Facebook

Advertisement

Muqdisho (Caasimada)- Taliyihii hore hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida NISA Jen Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka badbaaday rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda la beegsadeen gaari uu la socday oo marayay isgoyska Miranaayo ee degmada C/casiis. 

Jen. Tuuryare ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil xili lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee degmada C/casiis, Tuuryare wuxuuna tilmaamay in ciidamada rasaaseeyay aaney aheyn kuwii degmadaasi ka shaqeyn jiray, isla markaana ay yihiin ciidamo cusub oo goobtaas la geeyay caawa kuwaas oo lagu magacaabo Duufaan. 

Wuxuu sheegay Jen. Tuuryare in rasaastaasi lala beegsaday ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay iyo isku day dil, wuxuuna intaa raaciyay in uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha si jawaabta ku haboon uu ka bixin doono haddii aan laga jawaabin sababta keentay in la weeraro gaadiidkii uu saarnaa.

 Isgoyska Marinaayo ayaa caawa la lasoo dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda, xili xaafadda Mirinaayo uu halkaasi degay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, horayna uu u deganaa Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa xiligaan ah mid riman oo mar walba la filan karo dagaal u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka kasoo horjeeda oo xaafadaha Muqdisho qaarkood xirtay.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here