Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howl-gallada laga sameeyey inta u dhexeyso degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug, isla-markaana lagu beegsaday Al-Shabaab.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamada howl-galka wada ay dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howl-galladan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo lagu aasay waddooyin ku yaalla duleedka caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in howl-gallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi, loogana hortegi lahaa weeraradooda.

Howl-galladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dagaal toos ah iyo qarax khasaare geystay uu ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb, wuxuuna khasaare kasoo gaaray ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howl-gala halkaasi.

Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada, waxaana haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kordhiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com