Sergio Aguero ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha kaddib markii uu kusoo booday Wadne xanuun ku qasbay inuu gebi ahaanba ka baxo kubadda cagta.

Roberto Peidro oo ahaa dhakhtarka daaweyn jiray laacibka reer Argentina tan iyo 2004, ayaa shaaciyey in Sergio Aguero uu dib ugu soo laaban karo nolosha caadiga ah inkasta oo uu wadne xanuun oo lagu sameeyey qalliin.

Intii uu ku jiray dhakhtarka, Sergio Aguero waxa lagu sameeyey qalliin lagu furfuray xangulaha dhiigga, iyadoo lagu sameeyey kululayn ama qaboojin, si loo daaweeyo wadnaha laacibkan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Waraysi uu Roberto Peidro bixiyey ayaa ka warramay qaabka ay u daaweeyeen Sergio Aguero, waxaanu bixiyey rajo ah inuu laacibkani si caadi ah noloshiisa u maaraysto isaga oo aan dhibaato dareemayn.

Si kastaba, Peidro ayaa ka dhawaajiyey arrin walwalkeeda leh oo laga baqayay, ahaydna dareen qarsoon oo aan wali dibedda usoo bixin, taas oo ah inuu laacibkan saamayn ku yeeshay tallaalka Korona Fayras oo uu qaatay amaba in Fayraska laf ahaantiisu uu waxyeello u geystay qaabka uu wadnaha laacibkani u dhaqeeyo bishii January oo uu ku dhacay.

Dhakhtarku waxa uu sheegay inuu arkay jawaabaha baadhitaannadii lagu sameeyey Sergio Aguero, uuna galay dareen la xidhiidha inuu Fayraska Korona saamayn ku yeeshay wadnaha Aguero oo ay sidaas ku gashay halistiisu.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan