Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday inuusan jirin qorshe uu ku luminayo Eden Hazard sanadkan.

Yurub oo dhan ayaa aad looga hadal hayay in Hazard uu doonayo inuu ka tago Real Madrid bishaan ama xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday inay ku xisaabtamayaan kabtanka Belgium muddo dheer.

Ka dib barbarihii 2-2 ay la galeen Elche , wuxuu yiri: “Haddii aan ku xisaabtano Hazard xilli ciyaareedka soo socda? Haa, waxay ku jirtaa qorshaha xilli ciyaareedka soo socda.”

Hazard ayaa Real kula jira heshiis dhacaya 2024.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan