Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in ay ka xun yihiin in uu hal sano oo kaliya la soo shaqeeyay Ousmane Dembele intii ay ku sugnaayeen Borussia Dortmund.

Xilli Dembele uu haatan xor u yahay inuu ka tago Barcelona ka dib wada hadalo kulkulul oo ay labada dhinac is dhaafsadeen khamiistii, Chelsea ayaa si weyn loola xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo ka hor dhamaadka bishaan.

Intii lagu guda jiray ololihii 2016-17, Dembele waxa uu ka qayb qaatay 10 gool iyo 22 caawin 50 kulan oo uu saftay, wax soo saarkaas oo ku mutaystay u dhaqaaqista Camp Nou.

Inkastoo uu diiday inuu ka hadlo xiriirka uu la leeyahay xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, Tuchel ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu muddo dheer la sii shaqeeyo garabka.

Tuchel oo shir jaraa’id isugu  yeedhay warfidiyeenka ayaa yiri: “Waa ciyaaryahan aad u wanagsan marka uu heerkiisa sare joogo, aad ayaan u nasiib badanahay inaan hal sano ku tababaray Dortmund, waxay ahayd inay wax badan sii wada shaqayno laakiin waxaan u baahday inaan sameeyo ixtiraam dheeri ah oo aan go aankiisa siiyo.

Iyadoo wax ka yar lix bilood ay ka harsan tahay qandaraaskiisa, Dembele wuxuu xor u yahay inuu wadahadal la yeesho koox kasta oo ajnabi ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan