Tababaraha kooxda Fiorentina Vincenzo Italiano ayaa sheegay in aysan waxba iska badalin mustaqbalka Dusan Vlahovic isla markaana aanu sugi karin in uu xidhmo suuqa January iyada oo ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya weeraryahanka kooxda Arsenal .

Gunners waxaa ka go’an inay ku xoojiso weerarka maadaama ay qorsheyneyso xilli ciyaareedka soo socda iyadoo ay ka maqan yihiin labada weeraryahan ee Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang , kuwaas oo labaduba uu qandaraaskooda dhacayo xagaaga.

Alexander Isak iyo Dominic Calvert-Lewin ayaa si kumeel gaar ah loola xiriirinayay bartilmaameedyada suurtagalka ah usbuucyadii dhawaa, laakiin waxaa la fahamsan yahay in Vlahovic uu yahay midka ugu sarreeya liiska uu doonayo Mikel Arteta.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Arsenal ay u soo bandhigtay Fiorentina 50 milyan ginni oo lagu daray Lucas Torreira si ay ula soo wareegto 21 jirkaan la doonayo, kaasoo xilli ciyaareedkan ka sameeyay Serie A isagoo dhaliyay 20 gool 23 kulan uu saftay.

Maamulaha guud ee Fiorentina, Joe Barone, ayaa fariin taas la mid ah soo diray horaantii isbuucaan, isagoo ku adkeystay inaysan jirin wax dalab ah oo uu helay Vlahovic.

“Qaar ka mid ah kooxaha Ingiriiska ayaa xiriir la sameeyay, laakiin weli wax heshiis ah ma jiro,” ayuu u sheegay La Nazione.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan