Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa qiray in barbaro 1-1 ah ay la galeen Everton habeenkii Khamiista ay tahay mid adag in la aamino.

Blues, oo ay caqabado dhowr ah kaga maqnaayeen ciyaaryhano muhiim ah sababo la xiriira coronavirus, ayaa goolka ka heshay Mason Mount daqiiqadii 70aad.

Si kastaba ha ahaatee, Jarrad Branthwaite ayaa afar daqiiqo ka dib dhaliyay goolka barbaraha, iyadoo Chelsea ay mar kale ku guuldareysatay inay hogaanka qabato, Tuchel ayaana qirtay tartanka ka dib inuu ka niyad jabay dadaalka kooxdiisa ay ka sameeyeen labada daraf ee garoonka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlayay BT Sport , wuxuu yiri: “Haa, dabcan (waa wax laga xumaado) in la dhiibo hogaan kale.

“Waxaan khasaarinay fursado waa weyn oo aan ku heli lahayn natiijada qeybtii hore ee ciyaarta, qeybtii labaad ma aanan helin fursado si joogta ah.

Chelsea ayaa hadda afar dhibcood ka danbeysa hogaamiyayaasha Premier League ee Manchester City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan