Shirkada soo saarista heesaha iyo muusigada looga haray sidoo kalena aflaanta maal galiso T-Series ayaa ciwaanada fanka Hindiya qaadatay madaama ay soo bandhigtay hees cusub oo Album Video ah lana soo galiyay barteeda Youtube-ka ku leedahay waxayna heestan kaga duwan tahay heesaha looga bartay T-Series in markaan Emraan Hashmi muuqaal ahaan heeskan ka duubeen oo ay doonayaan inay muuqiisa daawasho badan ku sameeyaan.

Advertisement

Heeskan lagu magacaabo Lut Gaye waa Album kaliya ee filim kuma jirto waxayna u gaar tahay muuqaal ahaan Emraan Hashmi iyo gabadha lagu magacaabo Yukti Thareja halka uu ku luqeenayo Jubin Nautiyal waxaana muuqaalkan agaasimeen ama Director ka ah Radhika Rao iyo Vinay Sapru waxayna ka hadleysaa askari dhaawac ah oo guri aroosad soo galaayo kadibna bad baadineyso isaga jeclaaneyso lana baxsaneyso ugu dambeyntiina askariga gabadha laga dilaayo markii lasoo wareero waxaana laga matalay sheeko dhacday sanadii 1991 Mumbai ka dhacday.

Emraan Hashmi iyo Yukti Thareja sida ayay doorarkan u mataleen ayaa laga helay iyo qaabka heeska naaxiyada jaceylka iyo qiirada leh u qaadayo heesaa Jubin Nautiyal. Fadlan hoos ka daawo heeska Lug Gaye adigaaba ka heli doontid hubaal ahaan:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here