Halyeega Bollywood-ka Suniel Shetty wuxuu qayb ka ahaa shalay qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka ee dowlada Hindiya garab istaageen dooda taagan ee ku aadan beeraleyda Waqooyiga Hindiya in dowlada weli balanqaadkii ay u sameesay kasoo bixin sidoo kalena shaqsiyaad caan ah oo aan Hindi ahayn ayaa doodan qayb ka noqdeen sida fanaanada Rihana iyo kuwo kale.

Advertisement

Haddaba Suniel Shetty, Akshay Kumar, Ajay Devgn, Karan Johar, Ekta Kapoor, Anupam Kher, iyo jilaayaal kale ayaa baraha bulshada dowlada Hindiya ku garab istaageen waxayna sheegeen inaysan aqbali karin dad aan xaalka Hindiya ka warqabin inay barabagaando baraha bulshada kaga faafiyaan sidoo kalena dadka dareenkooda si laab la kac ah loo kiciyo.

Suniel Shetty ayaa ka jawaab celiyay weerar dad badan kusoo qaadeen markii uu dowlada Hindiya garab istaagay wuxuuna la hadlay Times of Hindia asigoo yiri “Fikirkeyga iyo garab istaageyda dowlada Hindiya waa mid cad kama soo horjeedi beeraleyda oo waxaan diidanahay barabagaandada dalkeena iyo dadkeena laga fidinaayo xaqiiqada dhabta ah waa in banaanka lasoo dhigaa.”

Suniel oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Waxaan ahay beeraleey asal ahaan welina beero ayaan leenahay waxaana garab taaganahay beeraleyda , dowladeyda iyo dalkeyga Hindiya, oraahdeyda waa mid cad balse dadka caanka ah ee aan Hindi u dhalanin waxay rabaan inay sharafka dalkeena dilaan waxayna bixinayaan sawir qaldan oo aan Hindiya ka turjumeyn xaalada ka jirto.”

Kala qeybsanaan xoogan ayaa baraha bulshada ka jirto ayadoo dad badan garab istaageen jilaayaasha Bollywood-ka dowlada garab istaageen halka qaar kalena weerar kusoo qaadeen jilaayaasha kuna tilmaameen kuwo dowlada adeegsaneyso oo diidan in xaqiiqada jirto iyo dhibaatada lagu haayo beeraleyda si dhab ah looga hadlo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here