Suldaan Mahesh Babu ayaa baraha bulshada qabsaday Sabtigii kadib markii uu soo bandhigay goos gooska filimka fariinta adag xambaarsan Naandhi waxaana hogaamiye ka ah shactiroole Allari Naresh oo markaan wajiga badashay oo door adag dhibaato badana sameyn doono.

Advertisement

Mahesh wuxuu saaxiib dhow la yahay Allari Naresh waxayna isla sameeyeen filimkiii Maharshi wuxuuna Mahesh ugu baaqay taageerayaashiisa iyo qof walbo ugu baaqay inay filimka Naandhi daawadaan kaasi oo 19-ka bishan Febraayo tiyaatarada la saari doono waxaana Director ka ah Vijay Kanakamedala oo lagu kalsoon yahay qaabka uu mashruucan u agaasimay in laga heli doono.

Allari Naresh filimkiisii ugu dambeeyay Bangaru Bullodu waxaa tiyaatarada la saaray 23-kii bishii Janaayo ee aan kasoo gudubnay wuxuuna noqday filim guul dareestay balse markaan wajiga ayuu badashay asigoo door adag doortay kuna jilaayo filimka Naandhi oo qof walbo ka helay fariintiisa qiirada badan iyo arimaha cadaalada qaabka looga hadlaayo.

Allari Naresh filimkan waxaa la jileyso gabadha awooda badan Varalaxmi Sarathkumar waxaana sidoo kalena doorar muhiim ah ku leh Priyadarshi Pulikonda, Harish Uthaman iyo Praveen. Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimkan xiisaha badan ee Allari Naresh cadaalada u baahan yahay madaama dambi uusan galin lagu nabaayo:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here