Tababaraha Aston Villa Steven Gerrard ayaa ku adkeystay in ciyaaryahanka khadka dhexe John McGinn uusan iib aheyn xilli ay soo jeedinayaan xiisaha Manchester United .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland ayaa mar kale qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay Villa xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo u saftay 18 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana uu gacan ka geystay labo caawin.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Man United ay qorsheynaysay inay u dhaqaaqdo McGinn inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo madaxda sare ee Old Trafford ay la dhaceen qaab ciyaareedka xidigan.

Si kastaba ha ahaatee, Gerrard ayaa ku adkeystay in 27-sano jirkaan uusan ka tagi doonin Villa ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

“Xaqiiqdii ma nihin koox doonaysa inay iibiso. Ujeedkayagu waa inaan John McGinn ku sii haysano halkan. Ma doonayno inaan noqono koox iibisa ilaa ay xaalad adagi timaado mòoyee.

“Waxaan rabnaa [McGinn] inuu sii ahaado ciyaaryahan Villa ah, mana cadeyn karno taas, waan jecelnahay ciyaaryahanka, taageerayaashuna way jecelyihiin xidigan waxaanan dooneynaa inaan caawino isaga.

“Xaqiiqdii waxaan u aragnaa inay tahay amaan marka ciyaartoydeena ugu fiican, ama mid ka mid ah ciyaartoydeena, lala xiriiriyo guuritaan weyn, waxaan u maleynayaa inay muujineyso inay u ciyaarayaan si heer caalami ah .”

McGinn ayaa dhaliyay 16 gool waxaana loo diiwaan galiyay 21 caawin 130 kulan oo uu u saftay Villa tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Hibernian bishii Ogosto 2018

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan