Steven Gerrard ayaa ku adkeysanaya in Aston Villa aysan la soo wareegi doonin Luis Suarez ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Horaantii isbuucaan, warar ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Gerrard uu Suarez kala hadlay u dhaqaaqista Villa Park , xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaana si weyn uga fiirsanayay inuu dib ugu soo laabto Premier League.

Qandaraaska Suarez ee haatan Atletico Madrid ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inuu weeraryahanka diiday soo jeedinta Palmeiras, Corinthians iyo Atletico Mineiro.

Laakiin Gerrard ayaa ku adkeysanaya in Suarez uusan ku biiri doonin Villa ka hor inta uusan dhamaan ololahan.

“ma Dooneyno Saxiixa weeraryahan dhexe suuqa Hada. Taasi waa sida ugu cad ee aan sheegayo, “Gerrard ayaa yiri sidaasi.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan