Tababaraha Aston Villa Steven Gerrard ayaa shaaca ka qaaday inuu u arko Axel Tuanzebe mid muhiim u ah kooxda.

Laacibka amaahda uga maqan Manchester United ayaa lix kulan ku soo bilowday, saddexna beddel ku soo galay Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin muuqaal kooban ayaa soo muuqday tan iyo imaanshaha Gerrard bishii November.

Horaantii isbuucaan, waxaa soo baxay warar sheegaya in Napoli ay dooneysay inay la wareegto heshiiska bisha Janaayo , waxaana lagu Xamanayay inay xiriir la sameysay kooxda Man United

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo qiray in 24-sano jirkaan uu u dhaqaaqi karo Talyaaniga, Gerrard ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku sii hayo daafaca dhexe ee Villa Park dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Gerrard ayaa laga soo xigtay Sky Sports News isagoo leh: “Xidiga waa mid muhiim ah waxaan ka rabnaa halkaan, waan ku faraxsanahay inaan sii haysano, uma aragno kaliya amaah ilaa dhamaadka xilli

Tuanzebe ayaa hadda saf ugu jirta inuu kusoo bilowdo kulanka Brentford axada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan