Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan wuxuu ku sugan yahay magaalada Dubai asigoo halkaas u tagay duubista jadwalka labaad ee filimkiisa Action-ka iyo fariinta sirdoonka isku jirto Pathan waxaa la jileyso Deepika Padukone halka John Abraham laadar awood badan yahay mashruucan shirkada Yash Raj Films waxaana la qorsheenaa in sanadka dambe horaantiisa la daawado.

Advertisement

Filimka Pathan waxaa Director ka ah Sidharth Anand oo ku caan baxay sameyntii filimka War ee 2019 Blockbuster weyn noqday. Haatan SRK waxaa laga soo bandhigay sawir lama filaan ah xili uu Dubai ku duubayo Pathan waxaana sawirkan ka dhashay hadal heyn xoogan asigoo baraha bulshada qabsaday.

SRK wuxuu Dubai ku duubaya ficilo halis ah oo Action iyo is bursi u badan waxayna shaqada halkaas bilaabaneesay maal mihii ugu dambeesay 4:00 am aroortii si wadooyinka Dubai kooxda Pathan filimkooda ugu duubtaan madaama waqtiyada kale wadooyinka Dubai aad mashquul u yihiin. Sidoo kalena King Khan wuxuu sawir ka aqbalay inuu la galo qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo kula kulmeen wadooyinka Dubai xili uu mashruuca Pathan duubayay.

Filimka Pathan weli si rasmi ah shirkada YRF iyo SRK uguma dhawaaqin in shaqadiisa bilaabatay laakiin bishii November ayay duubistiisa Mumbai ka bilaabatay waana filim weyn oo SRK kusoo rogaal celin doono madaama dabyaaqadii 2018 markii uu SRK ka fashilmay filimkiisii Zero kadibn halyeegan iska gaabsaday wuxuuna iska diiday sameynta filimo kala duwan balse ugu dambeyntii Pathan ayuu doortay inuu kusoo rogaal celiyo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here