Shahrukh Khan iyo Hrithik Roshan waxay isla sameyeen filimkii weynaa ee Kabhi Khushi Kabhie Gham ee Blockbuster-ka weyn noqday sanadkii 2001 sidaa wada ognahayna HR filimkaas kahor ayuuba aqoonsi weyn oo ku filan helay.

Waxaa jirto sheeko inta badan dadka ka qarsoon taaso ah inuu SRK si dadban sabab ugu yahay Hrithik Roshan darajada Superstar-nimo uu gaaray iyo aqoonsiga uu helay.

Advertisement

Rakesh Roshan markuu diyaariyay Filimka Kaho Na Pyaar Hai waxuu la rabay inuu sameeyo Shah Rukh Khan maadama uu ahaa xiligaas dooqa kowaad ee filimsameyaasha awood balaarana leh balse SRK waxaa la sheegayinee soo gaartay war ah in Rakesh usoo bandhigi rabo mashruucan.

Khan ayaa la sheegay inuu filimkaas la bar bardhigay filimka Mohabbatein ee reer Yash Chopra usoo bandhigeen waxuuna doortay ayaa la dhahay reer YRFs mashruucooda dhowr sabab aawged mida kowaad door labo waji ah SRK wuu ka niyad jabsanaa xiligaas waayo Duplicate oo ka guuldareystay ayuu soo arkay.

Mida labaad Rakesh Roshan wuxuu kala shaqeeyay Koyla oo uu SRK dhib ka maray hadana Average ayuu noqday ayadoo Blockbuster laga filaayey mida seddexaadna waxay tahay in doorka Mohabbatein uu u arkay mid ka wanaagsan midka Kaho Na Pyaar Hai.

Dhinac kale Rakesh isaga xitaa waxuu is tusay in SRK ku fiicneen mashruucan waayo wajiga kowaad haduu jilo waa wax adag ayuu is dhahay wajiga labaad in SRK sameeyo sido kale Hrithik ayaa aabihiis kula taliyay inuu atoore kale u dhiibto filimkiisa maadama Reer Khans dhowr filim horey ugu sameeyay kadibna Rakesh ayaa go’aansaday inuu wiilkiisa u dhiibto mashruucan.

Kaho Na Pyaar Hai waa Blockbuser-ka kowaad ee sanadkii 2000 halka midka labaad uu ahaa Mohabbatein sido kale atooraha sanadka waxaa noqday HR halka midka labaad uu ahaa SRK.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here