Somaliland oo beenisay in ay xiriir la leedahay Al-Shabaab

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Email

Abaandulaha Ciidanka  Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka hadlay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhawaan uu ku dhawaaqay taliyaha Ciidanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag.

Waxaa uu sheegay Abaanduulaha in Somaliland aysan dagaal diyaar u aheyn, islamarkaana ay ugu baaqayso maamulka Puntland nabad iyo xasilooni.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay in Somaliland ay xiriir la leedahay Al-Shabaab isagoo sheegay in degaanada Somaliland Al-Shabaab aysan ku laheyn wax saldhig laakiin ay ku leeyihiin degaano ka mid ah Puntland.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Somaliland ay gacanteeda ku soo celin doonta degmada Badhan oo dhawaan Puntland ay sheegtay in ay la wareegtay.

Xiisadda ka dhaxeysa maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana labadda dhinac ay isku diraayeen Hanjabaadyo.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Email

Previous articleMadaxii xabsiyada kooxda AL-SHABAAB oo isku soo dhiibay DF Soomaaliya
Next articleKheyre oo ku fashilmay qorshihii u geeyey shirkii (SIP) Baydhabo? iyo Jawaabta beesha Caalamka

Source: dalkaan

Sports News
WARARKII