Iyadoo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiga doorashooyiinka dowladda dhexe uu khilaaf ka taaganyahay, haddana musharixiinta mucaaradka ah oo dhowr shir ku yeeshay Muqdisho waxay ku dhiseen guddi loogu magacdaray ‘Badbaadada Doorashooyinka Qaranka’ kuwaas oo shaley iska doortay guddoomiye iyo xoghayn.

Musharrixiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay iska indha tirtay cabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee heer Federal, kuwaas oo shaqadooda billaabay iyadoo kwuii Puntland iyo Jubbaland ay weli maqan yihiin.

Advertisement

Yuusuf Xasan Mursal oo ah guddoomiyaha guddiga midowga musharraxiinta ayaa BBC u sheegay in sababta ay ugu dhawaaqeen guddiga ay tahay in la badbaadiyo hannaanka doorashada, si heshiis looga gaaro muranka ku saabsan arrimaha doorashada.

“Waxaa inoo muuqda in la badbaadiyo hannaanka doorashooyinka qaranka ee heer federaal iyo maamul goboleedba. Sida ugu saxan ee lagu badbaadin karo waxay tahay in la sameeyo guddigan lagu magacaabo ‘Guddiga badbaadinta doorashooyinka qaranka’, waayo doorashada dadka ayay u dhexeysaa waxaa la rabaa in dadka ay ku tartamaan mid heshiis lagu wada yahay, wadar ogol ah, la isku waafaqsan yahay qaabka ay u dhaceyso ayaa la rabaa,” ayuu u sheegay BBC Somali.

Wuxuu intaas ku daray in mucaaradka ay doonayaan in la qabto doorasho loo wada dhan yahay sii dalka looga gudbiyo marxaladda gala guurka ah, xilli uu khilaaf ka taagan yahay sida loo qabanayo doorashada.

“Waxa la badbaadinayo waxaa weeye hannaanka doorashooyinka qaranka ee 2020/21 heer maamul goboleed iyo heer federaal.”

Yuusuf Xasan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in guddiga doorashada ay soo magacaawday ay ku jiraan shaqaale ka tirsan dowladda sidaa darteed ay ka shaqeynayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

“Guddigii waddada ama furaha u noqon lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran oo Soomaali wada ogoshahay oo loo dhan yahay. Dowladda Federaalka waa la ogyahay waxa ay ka shaqeyneyso, guddiga ay soo magacaawday waa la ogyahay; waa guddi ay ku jiraan askartii, waa guddi ay ku jiraan kuwii sirddoonka, waa guddi ay ku jiraan taageerayaashi caanbaxay,” ayuu yiri.

Ma jiraa fursad lagu xalliyo Khilaafka?

Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa BBC Somali u sheegay in “suurtagal ay tahay qabsadaa doorasho u gaar ah mucaaradka, waa marka darbiga la isla soo taabto.”

“Illaa hadda fursado baa jirta oo wax lagu xallin karo. Marka kasta waxay mucaaradka eeganayaan dowladda iyo taageerayasheeda qaabka ay wax qabtaan, markaa haddey kuwan (dowllada) bilaabaan kuwani (mucaaradkana) wey bilaabanayaan,” ayuu yiri Caalin.

Khabiirkan wuxuu qabaa in haddii mucaaradka ay qabsadaan doorasho u gaar ah in ay xaaladdu isku baddali doonto “gacan ka hadal iyo qalalaase.”

“Markaa waxaa dhici karta gacan ka hadal oo la baqayo. Dowladdu waxay dhihi kartaa sharciga ma waafaqsano, lana xirxiro mucaaradka qaar ka mid ah iyo in la is caburiyo.

“Is caburin haddii ay timaaddo, kacdoon baa dhacayaa maadama waxa gacanta lagu wada hayo ay tahay doorasho dadban oo ku dhisan qaab qabiil ah,” ayuu BBC Somali u sheegay Caalin.

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya, Ben Fender, oo ka mid ahaa madaxdii ka hadlay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee shalay lagu qabtay Muqdisho, wuxuu sheegay: “Dadka waa in ay aqbalaan in ay ka tanaasulaan waxyar oo ka mid ah waxyaabaha iyaga keliya danta u ah; in ay aqbalaan shuruucda, dastuurka, iyagoo u daneynaya dadka kale oo dhan.”

“Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaan daawanayay noocyo kala duwan oo doorasho ah oo ka dhacay maamul goboleedyada. Marba marka ka dambeysana waxaan arkeynay waxyaabo isku mid ah oo soo noqnoqonayay.”

“Waxaan aragnay kuwa xafiiska maamulo oo faragelinaya shuruucda si ay guusha u gaaraa. Waxaan kaloo aragnay kuwa mucaarad ah oo diidaya, carqaladeynaya hannaanka, haddii ay u arkaan in aysan ku guuleysanayn.”

Wuxuu tilmaamay in dib loogu noqdo heshiiskii horey loo gaaray ay ka dhalan karto dib u dhac doorasho oo saameyn yeesha “oo qofna uusan ranbin.”

Wuxuu intaa ku daray: “Loolan siyaasadeedka waa sharci, xitaa waa muhiim, balse loolan aan xushmeyneyn shuruucda, wuxuu si fudud u noqon karaa mid dhibaato leh. Ma ahan mid la qaadan karo in qalalaaso lagu cagajugleeyo, ama la diido qaabka doorasho ama in aad guddigaaga gaarka ah magacaabato, sababtoo ah ma dooneysid xeerarka la dejiyay iyo guddiyada kale.”

“Si taa la mid ah, ma ahan macquul in xubnaha guddiga loo xusho dad u muuqda kuwa aan la habooneyn dad badan oo qeyb ku leh hannaankan,” ayuu yiri safiirka UK oo ku taliyay in khilaafka laga yeesho wadahadal deg-deg ah.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada in ay heshiis ku dhammeeyaan khilaafka, balse “tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo caqabad ku noqota hanaanka doorashada.”

“Mucaaradka waa in ay dib u xaqiijiyaan in doorashada aysan dib u dhicin waana in aanan waxbo laga baddalanin heshiiskii bishii September.”

“Mareykanka iyo dhamaan deeq bixiyeyaasha waxay ka walaacsan yihiin khilaafka arrimaha doorashaada. Waxaan ugu baaqeynaa dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka in ay gaaraan heshiis lagu xallinayo khilaafka. Waxaana dhammaan la xisaabtami doonaa cid kasta oo caqabad ku noqata hannaanka doorashada,” ayuu yiri Yamamoto oo shalay ka hadlay Madasha iskaashiga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, oo shir gudoominayay Madasha ayaa sheegay in xukuummaddiisa ay ka go’an tahay “in si buuxda ay ugu hoggaansanto heshiisyadii la gaaray ee waafaqsan dastuurka iyo hannaanka hadda ee doorashada.”

“Waan soo dhoweynayaa talooyiinka wax dhisaya. Madaxweynaha wuxuu soo saari doonaa casuumaadda madaxda maamul goboleedyada isla marka aan soo dhammeeyo booqashadeyda maamullada.”

“Walaaladey daneynaya mustaqbalka madaxweynimada, iyagana waxaan leeyahay albaabkeyga wuu idiin furan yahay. Cabashada aad qabtiinna diyaar ayaan u ahay in aan xalliyo,” ayuu yiri.

“Laakiin mid xisaabta halagu daro, sharciga lagama wayno, dastuurka lagama wayno, wixii maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ay ku heshiiyeenna waa in la tixgeliyo, waana in la raacaa,” ayu hadalkiisa ku sii xoojiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Soomaaliya ma yeelan kartaa dhowr madaxweyne February ka dib?

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in ay dhici karto in doorashooyiin iska soo horjeeda la qabto, haddii aan heshiis laga gaarin khilaafka hadda taagan ee la xiriira doorashada dalka ee 2020/21.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in “mucaaradka ay xaqiijiyaan in uusan jiri doonin hannaan barbar socda midda doorashada ee dowladda ay hoggaamineyso,” balse dhanka musharrixiinta mucaaradka ah, weli lagama hayo in ay dhankooda qaban doonaan doorasho kale.

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Ben Fender, wuxuu sheegay in wadahadal degdeg ah uu muhiim yahay “si arrin heshiis lagu yahay loo raadiyo, in la diyaariyo waxyaabo heshiis lagu yahay iyo in la qeexo qaabka loo fulinayo oo ah si qof kasta uu ogol yahay.”

Maxamed Caalin, oo ka faallooda arrimaha siyaasadda wuxuu sheegayaa in “labo madaxweyne ay Soomaaliya yeelan karto maadaama hab qabiil ay ku saleysan tahay.”

“Waddankii hub ka dhigis lama sameyn. Hadduu muddo xileedka dhamaado, waa muddo xileed qabiil ka dhammaaday. Ninka xildhibaanka ah kursi qabiil ayuu ku fadhiyay, xisbi kuma fadhin, markaa qabaa’ilada dhexdooda ayaa kursiga isku heysta,” ayuu yiri.

Balse digniinta Safiirka Mareykanka ee ah in tallaabo laga qaadayo qofkii carqaladeeya hannaanka, malaga yaabaa in dadka qaar ay ku qasabto in ay is xakameeyaan? Caalin wuxuu aaminsan yahay in wax saameyn ah aysan yeelaneyn.”

“Maadama Mareykanka uu muujiyay astaamo ah in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, safiirka Britain iyo Yamamoto khudbadda ay ka jeediyeen shirka waxay u ekeeyaan wax Soomaalida mushkilad ku beeraya, sababtoo ah iyagu ma aysan sheegin in ay sameynayaan wadahadal, culeys na kama aysan dhigin in la wada heshiisiiyo,” ayuu yiri Maxamed Caalin oo BBC Somali la hadlay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here