Shola Shoretire wuxuu leeyahay mustaqbal ifaya wuxuuna ka hor ciyaari doonaa jamaahiirta Man Utd, ayuu yidhi maclin Ole Gunnar Solskjaer, kadib markii uu noqday ciyaartoygooda ugu da, da yar abid tartamada yurub.

Solskjaer ayaa keenay Shoretire qeybtii labaad ee ciyaartii 0-0 ee ay United barbaraha la gashay Real Sociedad xalay, iyadoo kooxdiisu ay hore ugu soo awood sheegatey wadar ahaan 4-0, taasoo ka dhigeysa in da’yarka (17 jirka iyo 23 beri) uu ka horeeyo xiddigaha kala Norman Whiteside (17 jir iyo 131 beri), Mason Greenwood (17 jir iyo 156 beri) iyo Gary Neville (17 jir iyo 211beri).

“Waa cunug yar oo aan aaminsanahay,” Solskjaer ayaa yiri. “Wuxuu leeyahay dabeecad aad u fiican, waa nin orodyahan ah, farsamo ahaan aad iyo aad u wanaagsan oo qaats go’aamo fiican. Waxaan dooneynaa inaan si tartiib tartiib ah aan fursad ugu siino kooxdan. Cagihiisa si adag ayuu dhulka ugu hayaa waxaan rajeyneynaa inaan arki doono culeysyo yar oo mustaqbalka ah. “

Manchester United ayaa caan ku ah inay soo saarto da’yaro ka mid ah kuliyadeeda.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here