Facebook

Advertisement

Beledxaawo (Dalkaan.com) – Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay eedeyntii kaga timid Soomaaliya ee la xiriirtay iney qeyb ka noqotay dagaalkii Beled Xaawo ka dhacay, waxeyna sheegeen inuu dagaalka yahay mid Soomaali dhexmaray.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matinagi ayaa sheegay in dagaalka dhacay uu dhexmaray laba ciidan oo Soomaali ah isla markaana aysan wax shaqo ah ku laheyn dowladda Kenya.

“Kenya wax lug ah kuma lahan dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo dagaalka qeyb ka ahaa kana tallaabay xadka Soomaaliya, ma garan karno waxey arintaas ula jeedaa, dagaalka waa mid Soomaali u dhaxeeya” ayuu yiri wasiirka.

Jawaabta ka timid Kenya ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay si cad ugu eedyesay dhigeeda Kenya iney soo hubeysay waxa ay ku sheegtay maleeshiyaad oo soo weeraray magaalada Beledxaawo.

Sidoo kale Kenya waxey qaaday tallaabo ay ku ogeysiineyso waxa jira midowga Afrika, waxeyna walaac ka muujisay xaaladda ka jirta magaalada Beledxaawo oo dhacda xadka labada dal, waxeyna sheegeen inuu dagaalka u dhaxeeyo ciidamada dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here