Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii ay ku baaqeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo la filayey in 30-ka bishan January inuu furmo, si looga wada-hadlo xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Axmed Madoobe Madoobe iyo Deni oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa soo jeediyey qabashada shirkaas, iyaga sidoo kale magacaabay guddiiyadooda doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta uu u baaqday ay tahay khilaafka weli u dhexeeya labadaas maamul iyo dowladda oo ka biyo diiday ay soo magacaabeen.

Dhinaca kale waxaa qabashada shirkanb si aad ah u soo dhoweeyey beesha caalamka oo iyadu wado dadaalo ku aadan sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa maanta kulan la leh madaxweynaha Soomaaliya, si loo dhammeeyo khilaafka siyaasaded ee ka jira dalka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirto ran baarlamaaanka iyo madaxweynaha, taas oo xilligii loo asteeyey lagu soo dhawaanayo.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here