Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo wali dhuusamareeb ka socda

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Email

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa weli ka socda shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug,kaas oo Habeenkii Jimcaha aheyd uu Ra’iisul Wasaare Kheyre halkaasi ka furmay.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo laga soo kala xulay 11-ka beelood ee dega deegaannada Galmudug,qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta uu shirka socday ayaa waxaa lagu lafa guray sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku nool deegaannada Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dhankiisa Dhuusamareeb ku sugan ayaa waxaa uu wadaa qorshooyin kala duwan,kuwaas oo qaarkood dad deegaanadooda waa hore colaad uga barakacay uu dib ugu celiyay

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Email

Previous articlePakistaan oo Madaxweynaha Hindiya u diiday inuu hawadeeda isticmaalo.
Next articleShirka beelaha Galmudug oo qodobo muhiim ah looga hadlayo.

Source: dalkaan

Sports News
WARARKII