Anigoo warqadii sida ayaana halkii kasoo baxay, si aan adeega usoo iibiyo balse intaan jidka kusoo jiray waxaa niyadeyda kusoo dhacay sidii foolxumada badneyd ee ay Yuulaanuus iyo Daariq iila dhaqmeen waxaana iskula hadlay waxaa la gaaray xiligii aad ka aarsan laheyd, markaas ayaan dhanka gurgii Yuulaanuus usoo dhaqaaqay anigoo aad u xanaaqsan.

Markii aan gurigii soo abaaray ayaana waxaan u imid gurigii oo cidlo ah, qeybta hoose ee guriga oo aheyd madal la isugu yimaado cidina ma aysan joogin, markaas ayaan waxaan koray qeybtii sare, ayadana cidlo ayay aheyd, anigoo is leh soo dago ayaan waxaan maqlay cod iyo taah qolkii Yuulaanuus ka yeeraayo, markaas ayaan dhankii qolka usoo dhawaaday.

Advertisement

Albaabka ayaana dhagta saartay guuxa iyo neef tuurka aan maqlayayna waxay ahaayeen kuwa aan xad laheyn markaas baan duleel yar oo uu albaabka lahaa isha saartay si aan u eego kadibna waxaan arkay wax aysan aheyn inaan marnaba arko, fiicnaan laheydaa inaan gurigaas dhan imaanin muuqaalkaasna arkin.

Indhaheyga waxay qabteen Yuulaanuus oo qaawan iyo Daariq oo lamid ah misna sariirta kor saaran ayagoona afka afka iskula jira, waaba Daariq oo galmo la sameynaayo Yuulaanuus, ilbiriqsiyadaas yar ee aan waxaas arkay waxay ila noqdeen sidii sanado oo kale, waxaan dareemay xanuun daran qalbigeygana sidii dhibmil dab ah ayuu u holcayay, asigoona guud ahaan jirkeyga gubayay.

Ninkii aan jeclaa ee i duleeyay iyo naagtii aan qiimeyn jiray misna iga iibisay guryaha lagu haayo dumarka jirkooda ka ganacsada ayaana u sabab holacaan jirkeyga gubaayo balse waqtigaas waxaan balan ku qaaday inaan kaligey guban doonin ayagana ila guban doonaan.

Waxaan usoo jiheystay dhankii qeybta hoose ee guriga anigoona galay maqaasiinkii ay ka buuxeen dhalooyinka Khamriga misna caweyska loogu talo galay, markaas ayaan waxaan soo qaaday dhamaan kartoonadii ay dhalooyinka ku jireen waxaana bilaabay inaan khamrigii ku bilbilo qeybta hoose ee guriga meelkasta oo kamid ahna waan ku daadiyay.

Meel walba khamrigii markaan ka buuxiyay ayaan waxaan soo qaatay dhalo khamri ah oo afka ka furan iyo shumac meesha yaalay waxaana soo istaagay irida guriga, balse kahor inta aanan soo bixin ayaan waxaan arkay Faraantigii qoyskeena ee Yuulaanuus laheyd kaasoo miis meesha yaalo saarnaa, faraantigii ayaana soo qaatay kadibna banaanka guriga uga soo baxay.

waxaan dareemayay waqtigaas ciil iyo caro aanan waligey dareemin waxaana halmar iga soo baxay qof aanan garaneynin qofka uu yahay misna isku badalay bahal dhiigyo cab ah, waayo aniga Leylo ahaan inaan qof dilo iskaba daayee xitaa xasharaadka yarka ah ma dili karin, haatana waxaan doonayaa labo qof inaan nolosha ku gubo.

Irida guriga markaan soo istaagay ayaan magaceeda ku hadaaqay anigoo leh Yuulaanuus, Yuulaanuus, markaas ayay soo istaagtay daaqada guriga ayadoo go’ isku soo duuduubtay gadaasheedana uu taaganyahay daariq oo feero qaawanaa.

Markii ay aragtay dhalo khamri ah iyo shumac inaan gacanta ku heysto ayay inta yaabtay waxay igu tiri; “Ma waalatay adiga Maxaad rabtaa inaad sameyso? Ma waxaad dooneysaa inaad na disho” hadalkaas markii ay i tiri ayay caay ii raacisay.

Waxaan waayay dhamaan dareenka jirkeyga waxaana is arkay anigoo dhaladii aan siday shumacii holcaayay ku daaray kadibna dhaladii holceysay ayaan waxaan ku tuuray dhankii gurigii Yuulaanuus.

Khamrigii oo aan meel walba gaarsiiyay iyo dabkii aan guriga ku dhex tuuray waxay keentay in ilbiriqsiyo gudahooda gurigii oo dhamaa uu isku badalo dhimbilo dab holcaayo, Daariq iyo Yuulaanuusna dabkii ayaa si fudud ku gaaray anigana waxa dhacaayo oo idli indhaha ayaan ka daawanaayay.

Khalaas wax walba wey bus beeleen, Yuulaanuus Daariw iyo gurigiiba waa isla gubteen, Maxaan sameeyay aniga? Labadoodiiba waan dilay, haa waan dilay waliba nolosha baan ku gubay.

Labo qof oo bari ah misna dhiig iga galin ayaan maseyr iyo ciil dartiis u dilay, sidee ku dhacday in fal sidaan u arxan daran u sameeyo iigana suurtogasho? Xagee wuxuushnimadaan kala imid? Maxaa igu dhacay aniga halkeena bahalkaan iga soo baxay ka yimid?

Waa su’aalo aan is weydiiyay balse jawaab u waayay waxayna u muuqataa gabi ahaanteydaba inaan is badalay oo aanan aheyn Leyladii baariga aheyd misna duqsiga xitaa dili karin, haa waa run Dilaa ayaan noqday.

CUTUBKA AFARAAD; MILSAA.

Maalintaas markii aan gubay Gurigii Yuulaanuus iyada iyo kii la joogayba dilay ayaan waxaan dib ugu soo laabtay gurigii Milsaa anigoo adeegii sida, waxaana nasiib ku lahaa in aysan cidina i arkin markii aan howshaas sameynayay.

Qofna igama shakinin anigana waxaan noqday sidii inaan ahay qof caadi ah oo kale, ma aanan dareemin inaan dilaa ahay cabsi iyo dambi midna ma dareemin, Milsaa ayaana u tagay adeegiina u dhiibay kadibna qolkeyga ayaan iska aaday.

Hadaba aan Milsaa idin baro, waxay aheyd gabar reer Qaahiro ah, waxayna laheyd guriga ugu weyn ee la isugu keenay gabdhaha jirkooda laga ganacsado, shakhsiyad ahaan waxay aheyd naag kibir bada, dulmiley ah sidoo kalana aad u qalbi adag.

Ma aysan hadal badneyn inta badan amaradeedana indhaha unbey ka bixin jirtay ayadooan wax walba ay u sameyn jireen gabdhihii jaariyadaha ahaa iyo kuwii dhilooyinka ahaaba, markii ay guriga joogto ama ayadoo soo socoto la arko cabsi ayaa lalal wada aamusi jiray sida looga cabsan jiray darteed.

Deymadeeda waxaa ka muuqan jiray marwalba shar iyo xiqdi, inta badana waqtigeeda waxay ku qaadan jirtay qol iyada u gaar ahaa oo howlaheeda ka maamulan jirtay, waxayna aad u isticmaali jirtay shiishada oo u aheyd balwad aysan marnaba ka maarmin qolkeedana waxaan shiishad aheyn kama soo carfi jirin.

Maalin ayaan waxaan mid kamid ah gabdhaha aan guriga isla joognay weydiiyay Milsaa iyo nolosheedii hore, balse gabadhii ayaa ii sheegtay in iyada markii hore anaga oo kale aheyd oo jirkeeda laga ganacsan jiray maalin ayaana waxaa dhacday in ay dhimatay naagtii Guriga maamuli jirtay Milsaa ayaana markaas booskeeda la wareegtay.

Gabadhii ayaana markaas weydiiyay sidee booskeeda kula wareegtay? Markaas ayayna iigu jawaabtay in naagta guriga maamuli jirtay kahor inta aysan geeriyoonin arinkaas ka dardaarantay oo Milsaa masuuliyada guriga ku wareejisay.

Gabadhii sidoo kale waxay ii sheegtay in aniga haatan jaariyad cusub ahay sidaas owgeedna fagta hore qiimo la ii yeeli doono amaro adagna la isiin doono hadaan fuliyo jirkeyga uu beec noqon doono hadaan sameyn waayana la i ciqaabi doono ilaa aan xanuunka ciqaabta uga geeriyoodo.

Labo maalmood markii aan joogay ayay maalintii dambe Milsaa ii wacday kadibna waxay igu tiri; “Ciyaar oo niiki”.

Xiliga ay sidaas i laheyd labadeena oo kaliya ayaa qolkeeda ku jirnay waana la yaabay hadalka ay igu tiri, kadib waxay hadana igu tiri; “Waxaan ku dhahay niiki, miyaadan garaneynin sida loo niikiyo?”

Durba waxaan ugu jawaabay maya ma garanaayo waligeyna ma ciyaarin, Milsaa ayaana wajigeeda waxaa kasoo muuqday caro xoogan waxayna igu tiri; “Jaariyad noocee baad tahay adiga marba hadaadan garaneynin sida loo niikiyo? Warkaas kaama yeelaayo ee dhaqso niiki intaan kuu jeedo”.

Anigoo hadalkeeda diidaayo ayaana waxaan ugu jawaabay; “Maya ma dheelaayo”. Inta fadhiga kasoo kacday dhankeygana soo kuurtay ayay igu tiri; “Ma aniga amarkeyga ayaad diideysaa?”

Uma aanan jawaabin, markaas bey waxay lasoo baxday shaabuug dheer oo qolka u yaalay waxayna u yeertay labo gabdhood oo gabdhihii gurigga kuwaasoo ay amar ku siisay iney i xirxiraan, si xoog ku dheehan ayaana la igu xiray, Milsaa ayaana bilowday markaas iney shaabuugii ila dhacdo ayadoona 20 ulood misna xanuun badan igu dhufatay kuwaasoo aan awoodi waayay naan xamilo.

Marwala oo uu karbaashka igu dhaco waan oynayay waana qeylinayay balse ma jirin cid iisoo gurman kartay ama iga celin kartay naagta aniga i iibsatay oo aniga dhan beyba i laheyd sidey doontana iga yeelan kartay.

Anoo xanuun la taahayo ayaana qolkeyga la i geeyay waxaana la ii sheegay tani ineysan ciqaab aheyn hadaan amar diido kalana sameeyo midaan mid kadaran aan la kulmi doono.

Waqtigaas aan qolkeyga ku jiray waxa kalya ee aan ka fakarayay wuxuu ahaa sidii an ku noqon lahaa Milsaa oo kale, inkastoo aan necbaa hadana waxaan doonayay inaan iyada oo kale naag awood badan xoogan amarkeedana laga dambeeyo aan noqdo.

Mudo dheer ayaan gabar miskiin ah ahaa, taasina wixii iga raacay waa la ogaa, dunida aan ku noolaa waqtigaas waxay aheyd sida loo kala xoog badanyahay in wax loo kala qaado, sidaas owgeed Milsaa oo kale inaan noqdo waa habka kaliya ee aan ku badbaadi karay.

Mudo maalmo kadib waxaa magaalada Qaahira ku faafay dilkii Yuulaanuus ee aan aniga ka dambeeyay, inkastoo aysan cidina igu ogeyn hadana hadal heyn xoogan ayay laheyd maadaama Yuulaanuus magaalada can ka aheyd, balse maalin ayaan gacan galay kadib markii aan ogaaday in qofkale uu ogyahay dilka aan u geystay Yuulaanuus iyo Daariq.

Maalintaas waa maalintii nolosheydii oo dhami is badali doonto, sidoo kalana waa maalintii aan duliga iyo gumeysiga adoonsiga ku dhisnaa ka bixi doono kana xoroobi doono dhibaatooyinkii aan soo maray.

La soco qeybta 8aad…

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here