Shalay oo Jimco ahayd waxaa tiyaatarada la saaray filimka Telugu ah Uppena ee lagu soo caan bixinaayay wiilka lagu magacaabo Vaishnav Tej waxayna walaalo yihiin Sai Dharam Tej oo ka mid ah atoorayaasha Telugu ugu caansan. Sidaa darteed mashruucan indhaha ayaa lagu wada hayay sida uu ku bilaaban karo iyo sheekadiisa soo dhaweynta uu daawadayaasha ka heli karo.

Advertisement

Fariinta Filimkan oo kooban: Aasi (Vaishnav Tej) wuxuu kasoo jeedaa qoys kaluumeesato ah wuxuuna aad u jecel yahay gabadha lagu magacaabo Bebamma (Krithi Shetty) oo uu dhalay nin iska leh dhulal badan beeraleyda ku shaqeestaan oo dabaqada sare ah ah qof kale ma ahan waa Rayanam (Vijay Sethupati).

Laakiin nasiib daro labada dhalin yarada ah ee is doorteen xiriirkooda dhibaato aysan kasoo kaban karin ayuu la kulmaa madaama labada qoys oo ay kasoo kala jeedaan marnaba is aqbaleyn ayagoo aan isku dabqad ahayn. Sidaa darteed aabo Rayanam (Vijay Sethupati) inuu dilo ama uu qaarijiyo Aasi (Vaishnav Tej) oo gabadhiisa jecel sidoo kalena wiilkeen reerkiisa gabadhan lama rabaan marka labada dhinac ayaa dhibaato ka heesato waxaana filimkan loo daawan doonaa labadii is doorteen sidee isku calfan doonaan ayagoo labada dhinac ee kasoo kala jeedaan xirirkooda raali ka ahayn?

Bandhiga Jilaayaasha: Vaishnaj Tej wuxuu la yimid bandhig cajiib badan marnaba looma maleeyo jilaa shaashada ku cusub wuxuuna noqday bandhigiisa kowaad mid heer sare ah oo laga wada helay waana hubaal wiilkan inuu horey usii socon doono madaama uu geesinimo dheeraad ah shaashada ka muujiyay. Krithi Shetty doorkeeda wey kasoo dhalaashay bandhigeeda dabiiciga ah waa mid heer sare ah sidoo kalena waxay leedahay qurux soo jiidasho ku dheehan. Halyee Vijay Sethupathi oo ah laadarka awooda badan filimkan wuxuu qaatay door adag bandhigiisa shaashada sareyso waqti fiican ayuu ku leeyahay filimkan marka uu shaashada soo galana isaga ayaa hadal heynta kala wareegayo labada dhalinyaro ee mashruucan hogaamiyaasha ka ah inaba caadi ma ahan doorka uu qaatay iyo sida uu filimkan heer kale u gaarsiinayo awood ahaan. Sidoo kalena dhamaan jilaayaasha kale kasoo muuqdeen doorarkooda waa heer sare.

Muxuu ku wanaagsan yahay filimka Uppena:

Muusiga waa heer sare

Goobaha lagu duubay & qaabka loo faaf reebay oo heer sare ah

Bandhiga jilaayaasha, ficilada Action-ka, sheekada jaceyl dhamaantooda waa heer sare.

Muxuu ku liitaa filimka Uppena:

Sheekadiisa oo la fahmi karo oo aan wax cusub ahayn.

Qaybaha dambe filimkan oo xoogaa caajis badan ku jiro

Taxliil Ku Saabsan Filimka Uppena: Waa filim sheekadiisa la fahmi karo waxa xiga ee dhacaayo laakiin qaabka loo agaasimay ayaa heer sare ah, bandhiga jilaayaasha oo cabiib jabadan muusiga oo heer sare ah goobaha lagu duubay oo kusoo jiidanayo iyo halka saac hore oo si wacan loo agaasimay arimahaas oo is kaashaday waxay kugu qasbayaan inaa filimkan daawashadiisa ku raaxeesatay sidoo kalena aadan dareemin halka saac dambe xoogaa inuu caajis jiro qaabka loo agaasimay.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex Xidig)

Gunaanad: Filimka Uppena wuxuu soconaa waqti ahaan 2-saac & 27-daqiiqo waana filim fariin xasaasi ah xambaarsan iyo bandhiga jilaayaasha oo heer sare ah haddal heyntiisa oo aad u sareyso waxay arimahaas ka caawin doontaa in sedexda maalmood ugu horeyso bilaabasho heer sare ah la imaado filimkan weyna u sahlan tahay inuu dib usoo celiyo 20 Crore oo ay ku iibsadeen qolyaha cajaladaha qeybiyaan dibad iyo dal, sidaa darteed waxaa laga rabaa 40 Crore ugu yaraan inuu soo xareeyo ganacsigiisa dibad iyo dal.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here