Waxyar kadib biyihii ayaa sanduuqii dhinac kasta kasoo galay waxayna bilaabeen iney jirkeyga ka galaan meel walba oo duleesho ha ahaato sanka, afka ama dhagaha, waxaana igu dhagay naqaskii anigoona dareemay cabur aad u xooganwaxaan isku dayay inaan neefta isku celiyo inta aan awoodo balse ilaa intee ayaan tabar u yeelan karaa inaan neefta isku haayo? Hadaan neefado biyaha baa sanbabada ii buuxsami doono geerina waa lama huraan hadaan neefta isku sii haayana horay baan ka geeriyoon, markii xaalada iga cakirantay ayaana bilaabay inaan afkii kala furo waxaana ii xigay biyihii oo sankii iyo afkiiba sidii daad camal ugu fatahay markaas ayaana miir iigu dambeysay.

Waan maanshoobay, oo biyihii baan ku qarqamay, Leyla maalintaas bey biyaha ku masnhoowday, Leyla maalintaas baa taabuutka dhexdiisa lagu dilay, balse Leylo midaas ka duwan ayaa Taabuutka kasoo dhex bixi doonto, Leyladii miskiinta aheyd waa la dilay balse mid ka duwan baa soo bixi doonto.

Advertisement

                                                                                ***********

CUTUBKA LABAAD; MANSUUR.

Dadka agtooda waan ka geeriyooday maalintaas, balse waxaan u geeriyooday si aan maalin kale u noolaado.

Ma garanayo mudadii aan taabuutka ku dhex jiray biyahana meel walba iga galeen waxa dhacay balse waxaan kusoo kacay qof codkiisa kaasoo igu leh; “Kac gabaryahey”, xili qofka sidaas i lehna gacmihiisa ay dhabanadeyda dharbaaxo qafiif ah ku dhufanayeen, markaas baan indhaha kala furay, waxaana ii soo muuqday waji nin aanan aqoonin oo korkeyga fadhiyo.

Wuxuu ahaaa nin aad u caato ah, midabkiisa maariin yahay, san aad u dheer ahna leh, ilkaha jaalaha ah iyo indhaha yar yar iyo guud aaan muuqaalkiisa waxay astaan u ahaayeen fuulxumada wajigiisa ka muuqatay, waxayna u muuqataa ninkaan fool xumada inuu ku darsaday nadaafad xumo asigoona aad moodo qofaan 100 sano qubeysan.

Markii aan wajigaas arkay baan argagaxay kadibna meeshii aan jiifay ayaan kasoo booday, anigoona waqtigaas dhaxan xoogan iyo qabow dareemayay xili saakadii aan sitayna iyada dhan qoyaneyd, markaas baan hareeraha eeg eegay waxaana ogaaday meesha aan joogno iney tahay xeebta Wabiga Niilka, xili qoraxdana qarka u saarneyd iney soo baxdo, sidoo kalana waxaan arkay in Taabuutkii aan ku jiray uu saaranyahay doon yar oo Wabiga dhinaciisa ku xirneyd isla markaana aan qiyaasayo inuu ninkaan lahaa.

Anigoo cabsi dareemaayo ayaana makaa ninkii ku dhahay; “Kumaa tahay adiga?”

Markaas ayuu wuxuu iigu jawaabay asigoo wajigiisa yaab iyo amankaag ka muuqdo lana yaaban sida ay wax u socdaan iyo halka aan ku xirnaa; “Aniga magaceyga waa Mansuur, ee adiga tumaad aheyd? Yaase Taabuutkaan ku galiyay inta kugu xirayna kor kaa daboolay kadibna wabiga kugu tuuray?”

Markuu su’aalahaas i weydiiyay ayaana waxaan ugu jawaabay; “Aniga Magaceyga waa Leyla waxaana doonayaa inaan gurigeyga dib ugu laabto”.

Uma aanan sheegin sida ay wax u jiraan iyo waxa igu dhacayba asigana iguma uusan soo celinin su’aalihii balse taas badalkeeda wuxuu igu yiri; “Ma garaneysaa halka uu gurigiina ku yaalo?”

Markaa baan ku iri; “Aniga waxaan ahay gabadh kasoo jeeda qoyska reer Khaliil miyaadan garaneynin qoyskaas?”

Markaa ayuu wuxuu iigu jawaabay; “aniga marnaba kama aanan fogaanin wabigaan tan iyo maalintii aan dhashay, mana jirto cid aan ka aqaano dadka dagan magaalada Qaahira markii laga reebo dadka halkaan Kalluunka iney iga iibsadaan u yimaada”.

Jawaabtaas markuu i siiyay ayaan yaab dareemay waxaan sameeyana waan garan waayay, markaas baan ku dhahay; “Hadii ay sidaas tahay sidee ayaan ku tagi karaa magaalada Qaahira?”

Markaa ayuu wuxuu iigu jawaabay; “Dhib malahan aniga ila joog ilaa duhurkii laga gaarayo, xiliga duhurkii ayaan aadi doonaa magaalada Qaahira si aan Kalluun halkaas ugu soo iibiyo adigana markaas ayaad gurigiina ama dad yaqaano raadin kartaa”.

Fikrada uu ii sheegay waan ku qancay balse dhibka jira aaa waxay aheyd xitaa hadaan Qaahira tago ma garanaayo halka uu guriga iga jiray waayo aniga horay guriga ugama bixi jirin jid loo marana ma aqoonin.

Duhurkii markii la gaaray ayaan waxaan aadnay suuqii magaalada Qaahira, markii aan gaarnayna waxaan bilaabay inaan dadkii weydiiyo halka uu naga jiro guriga Reer Khaliil, balse ma aanan helin cid garaneysa misna ii sheegta, dhammaan dadka aan su’aalaha weydiinayayna waxaaba moodaa mid kasta inuu mushkiladiisa gaarka ah ku mashquulsanyahay, waxayna u badnaayeen fuqaro ku mashquulsanaa sidii wax ay cunaan u heli lahaayeen baahi iyo faqri darana ka muuqdeen.

Waxaan sii waday raadintii qoyskeena balse wax natiijo ah kama soo bixin ilaa markii dambe u Mansuur howshii Kalluun iibinta dhameeyay, markaas ayaan waxaan dib ugu soo laabanay mudulkii yaraa ee uu Wabiga agtiia ku yaalay kaasoo uu Mansur daganaa, inta igu soo jeestay igu yiri; “Maxay tahay sheekadaada gabaryahay iyo dhibaatada kugu dhacday ee halkii aan ogaa ku geysay?”

Markuu su’aashaas i weydiiyay ayaa durba waxaa maankeyga kusoo dhacday qisadii xanuunka badneyd ee igu dhacday iyo khiyaanadii aniga iyo aabahey nalagu dilay, ilin ayaana iga soo hoobatay waxaana Mansuur ugu jawaabay; “Aniga magaceyga waa Leyla Khaliil waxaana kasoo jeeda qoyska reer Khaliil ee magaalada Qaahira dagan”.

Mansuur; “Waan gartay ee waa kuma qofka sanduuqa kugu dhex xiray?”

Leyla; “Shakraan naag la yiraahdo oo uu aabahey qabay”.

Mansuur; “Maxay tahay sababta ku kaliftay oo ay sidaa u sameysay?”

Leyla; “Damac ayaa indho tiray waxayna rabtay hantida aabahey iney la wareegto”.

Intaas markii aan is weydaarsaay ayaan waxaan weydiiyay; “Adiga aaway qoyskaagii?”

Markaas ayaa wajigiisa waxaa kasoo muuqatay murug aad u xoog badan wuxuuna iigu jawaabay; “Xaaskeyga iyo caruurteyda gaajo iyo cuduro isugu darsamay ayay la geeriyoodeen”.

Markaas ayaan waxaan weydiiyay; “sidey wax u dhaceen?”

Mansuur ayaana iigu jawaabay; “Waayo maamulka talada haya waa calooshood u shaqeystayaal aanan damiir laheyn dan iyo duunyana toona ka naxeyni, waxayna kursigaas ugu fadhiyaan sidii hantida dadka u boobi lahaayeen, midkasta oo xilka la wareegana inta hantida boobo ayuu iska tagaa”.

Marnaba uma aanan aabo eelin hadalka uu waqtigaas ku hadlay Mansuur waayo ma aanan fahmin waxa ay midaas ka dhigantahay iyo waxa uu kala jeedayba balse dhawaan ayaan dareemi doonaa.

Carafteyda waxay noqotay sida mida kalluunka oo kale, dharkeyga wasakh ayaa buuxisay, jirkeyga wuu baaba’ay, caloosheyda waa faaruq, waxaan dareemayaa gaajo daran, waxaas oo dhan waxaa iiga daran in noloshedii aan waayay, meel aan la aqoonina kudhex dhumay, waxaana noqday Leylo aanan la aqoonin.

Shalay waxaan ahaa gabar taajirad ah, maantana waxaan noqday gabar faqiir ah, dharkii aan shalay xiran jiray maanta muuqooda ku diimayaa, shalay qoys iyo ehel baan lahaa, maantana cidina dunidaan iima saarna, wax walba oo nolosheyda ku saabsana madax iyo majo ayay isku rogeen.

Waan soo dhaqaaqay waxaana soo kor istaagay biyihii wabiga anigoona Humaageyga Biyaha daawanayo isla markaana is weydiinayo qofkaan aan humaagiisa arko Leyladii aan aqaanay ma ahee waa tuma tolow?

Xili aan sidaas ahaa aan waxaan maqlay shanqar meel ii dhaw ka yeereyso, markaas ayaana dhankii shanqartii eegay waxayna ahaayeen labo wiil oo dhalinyaraa kuwaas oo dirir dhexmareysay, baqdin ayaana i gashay markaas ayaan ku dhuuntay mid kamid ah doomihii wabiga ku xirnaa.

Waxaan gudo galay inaan daawado muuqaalkii labadii wiil ee is dagaaleysay, si xun ayay isku garaacayeen ayadoona midkasta uu gacanta ku sito Kalluun isla markaana uu doonayo inuu Kalluunka uu midka kale wato qaato, waxay u muuqdeen sidii dad Kalluunkaas dartiis isku dilaayo, in cabaar ah markii ay dagaalameen mid kan kale ka gacan sareeyana uusan jirin, ayaa markii dambe midkood lasoo baxay mid uu watay asigoona kii kale dhowr mar mididii galiyay ilaa uu ka dilay kadibna wuxuu qaatay Kalluunkii uu wiilkii la dilay gacanta ku sitay.

Intaas markii uu sameeyay ayuu labadii Kalluun iyagoo ceyriin ah sidoodii ku cunay asigoonan waxba ka tagin sidii inuu yahay dugaag duur joog ah, dhammaan waxyaabahaasna waxay dhacayaan xili aan arkaayo oo horteyda ayaa lagu sameynayaa.

Waxaa igu sii badatay cabsidii waxaana yaab iyo amankaag igu noqotay waxa ay indhaheyga qabtaan, ma sidaan buu qofkasta ku raadiyaa waxa uu doonayo? Inuu dilo qof walba qofka uu ka xoog badanyahay wuxuu heystana ka qaato? Miyuusan jirin xalkale oo arinta lagu hagaajin karay?

Shakraan waxay dishay aabahey sidoo kalana aniga i duugtay anoo nool si ay hantida aabahey u hesho, wiilkaana wuxuu dilay inankaas dhalinta yar si uu u helo wax uu cuno, waxayna u muuqataa si aad wax u heshid ineyba qasab tahay inaad qof dishid, sidaas owgeed anigana yaa la iga doonayaa inaan dilo si aan usoo ceshto nolosheydii burburtay?

Wiilkii wax dilay markii uu goobta isaga dhaqaaqay ayaan anigana doonidii yareyd kasoo baxay waxaana usoo jiheystay mudulkii Mansuur uu daganaa, in cabaar ah markaan joogay ayaana waxaa ii yimid Mansuur oo wajigiisa murug aad u xoogan ka muuqato.

Markaas ayaan weydiiyay waxa ku dhacay iyo sababta uu u murugeysanyahay, Mansuur ayaana markaas ii sheegay in maanta waxba faraha ku heynin wax ay cunaana u baahanyihiin hadii kale ay gaajo u dhiman doonaan.

In cabaar ah markii uu ila fadhiyay ayuu dhankeyga soo eegay kadibna wuxuu arkay Faraanti aan sitay kaasoo gacanta iigu jiray, inta iisoo dhawaaday ayuuna faraantigii iga siibay, markaas ayaan ku dhahay; “Waan ku baryaa faraantigaan waa waxa kaliya ee qoyskayga iiga haray”, balse wuxuu iigu jawaabay; “Waan ka xumahay gabadheyda waayo waa qasab inaan wax cuno hadii aan dooneyno inaan noolaano hadii kalana gaajo ayaan u dhiman doonaa xitaa ma heli doono cid isku howsho meydkeena iney aasto abaarta meesha ka jirto owgeed”.

Intaas kadib ayuu iga tagay asigoona qaatay waxa kaliya ee qoyskeyga iiga haray.

Waxay maalmaha is guraanba maalintii dambe aniga iyo Mansuur oo kaluumeysi ku maqan isla markaana doonidii saaran ayaa waxaa na hareereysay koox burcad ah misna uu hogaamin jiray nin la oran jiray Duweydaar.

Duweydaar wuxuu ahaa burcad safarada iyo dadkaba jidka u gala, deegaanka uu ka taliyana dadka dagan wuxuu ka qaadan jiray lacago baad ah oo ku tilmaamay iney tahay mid uu amnigooda ku ilaalinayo qofkii diida inuu dhiiba qoorta ayuu ka jari jiray, wuxuu ahaa nin aad u dheer aadna u xoogan gafuur weyn iyo shaarbo maqiiqan leh, indhihiisa iyo daymadiisa laga cabsan jiray sida uu bahal dugaag ah yahay.

Maalintaan waa markii ugu horeysay ee aan aniga iyo Duweydaar kulanay, markii ay ciidankiisa na hareereeyeen ayaa waxaa soo baxay Duweydaar asigoona Mansuur weydiiyay; “Aaway lacagteydii?”

Mansuur oo ay baqdin xoogan heyso ayaana ku jawaabay; “maanta wax lacag ah maheysto mudane balse dib ayaan kaa siin doonaa”.

Duweydaar ayaana markaa si daran u kuuray dhankii Mansuur, kadibna wuxuu amar ku siiyay ciidankiisa iney baaraan doonida, in cabaar ah markii ay baareen ayay dhaheen waxba ma saarna doonidaan aanan ka aheyn Kalluunkaan yar.

Markaas ayuu Mansuur amar ku siiyay in Kalluunkana usoo qaadaan.

Intaa kadib markii ay is dhaheen sii baxa ayuu Duweydaar kusoo baraarugay gabadhaan yar ee doonida saaran misna Mansuur la socoto, dhaqaaqii ayuuna joojiyay asigoona dhankeyga soo eegay, wuxuuna bilaabay kor iyo hoos inuu ii eego.

Intaas kadib ayuu wuxuu Mansuur ku yiri; “Waa tuma gabadhaan yar?”

La soco qeybta 4aad…

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here