Howshii iibinta ayaana ku guuleystay anigoona gabdhihii dhammaantoodii fasaxay kadib markaan lacagahoodii siiyay, waxaana bilaabay inaan guri ka raadsado Qaahira, midaasna waxaa iga caawiyay Kamaal, asigoona guri heer sare ah iisoo helay.

Markii aan guriga dagnay aniga iyo Kamaal, ayaa waxaa ii timid eedadeey ayadoona ii sheegtay in qorshe aan uga aargoosano Shakraan ay heyso, qorshihii ayayna bilowday iney ii sharaxdo ayadoona ii sheegtay in saacaan laga bilaabo magaceyga uu yahay Malik Bashtorki, qoyskeenana ay daganyihiin Turkiga halkaana u imid inaan waqti ku qaato.

Advertisement

Intaas markii ay ii sheegtay ayaana weydiiyay ujeedada ay qorshahaas kaleedahay, markaas ayay igu tiri; “maadaama Shakraan ay wiilkeeda gabar uu guursado magac iyo hantina leh raadineyso booskaas ayaan adiga ku galineynaa waayo magaca Bashtorki waa magac qoys caan ka ahan gudaha Turkiga sidoo kalana hanti badan leh, waxaana hubaa Shakraan markii ay ku maqasho in damac xoogan gali doono wiilkeedana kuu qalqaalin doonto”.

Aniga waxaa ii cuntami waayay qorshaha aan ku guursanaayo Shakraan wiilkeeda markaas ayaan dhahay; “Suuro gal ma ahan inaan guursado naagtaas khaa’inada ah wiilkeeda”.

Eedadeey ayaana markaas ii sheegtay, inaanan guursan doonin balse arinkaas ka dhigan doono qorshe aan ugu dhawaado shakraan wixii ay nagu sameysayna uga aargoosano.

Kadib ayaan hadana ku dhahay; “Kawaran hadii ay i aqoonsato? Soo halis ma ahan markaas?” balse Eedadey Sanaa ayaa iigu jawaabtay; “Hadiiba anigoo eedadaa kusoo korisay ku aqoonsan waayay sidee kugu aqoonsan kartaa naagtaas dhowrka maalin ku aragtay misna kuu maleyso inaaba dhimatay?”

Hadalka eedadeey macquul ayuu ila noqday, fikradaasna aad ayay ii cajabisay, balse hal caqabad ayaa na hortaagneyd, taasoona aheyd inaan aheyn labo qofood oo dumar ah kuwaasoo aanan laheyd awood ku filan oo ay qorshahaan ku fuliyaan si Shakraan looga aargoosto.

Sidaas owgeed waxaan garowsaday inaan arinka u sheego Kamaal waa intaasoo uu iga caawiyaaye, Kamaal ayaana u yeeray markaa baan waxaan ku iri; “Kamaalow arin baan doonayaa inaan iga caawiso mana ku qasbanid midaas adigaa ikhtiyaar u leh hadaad i caawineyso iyo hadii kale, balse waxaan kaa codsanaa arinka aan kuu sheegi doono waa sir weyn sidaas owgeed inaadan qofna u sheegin”.

Kamaal ayaana markaas ii sheegay in wax walba oo aan ka codsado si bilaa shuruud ah ku fulin doono, waxaana maalinkaas dareemay in Kamaal uu aniga aad ii jecelyahay.

Waxaan bilaaby Kamaal inaan uga sheekeeyo dhibaatooyinkii aan soo maray, asalkeyga waxaan ahaa iyo rafaadkaan inaan ku noolaado qofkii ka dambeeyay haatana aan u socdo inaan ka aargoosto.

Markii an sheekada oo dhami u sheegay ayaana weydiiyay hadii uu diyaar u yahay inuu i caawiyo iyo Hadii kale? Balse Kamaal ayaa si deg-deg ah iigu jawaabay iney waajib kutahay midaas oo uu i caawin doono wax walba oo aan uga baahdo.

Labo maalin kadib eedadeey ayaa ii timid waxayna ii sheegtay in Shakraan ay guriga ay dagantahay xaflad ku qaban doonto, sidaas owgeed la iiga baahanyahay inaan xafladaas tago halkaasna Shakraan isku tuso oo is barano.

Waqtigii xaflada markii la gaaray ayaan si heer sare u labistay anigoona dahab iyo aduun kale isku xardhay kuwaasoo qaarkood eedadeey Sanaa ii keentay, kadibna Kamaal ayaan ka codsaday inuu xaflada ii wado ayadoona qorshaha ahaa Kamaal inuu noqdo Waardiyaheyga khaaska ah iyo qofka wax walba iga caawin doono.

Xafladii ayaan tagay, mudo sanado badan kadib gurigii aabahey ayaan dib ugu laabtay, waxaan galay gocosho badan, balse ciilka iyo carada aan dareemaayay ayaa wax walba ka weynaa.

In mudo ah markii aan xaflada joogay martidiina wada yimaadeen ayaa waxay indhaheyga qabteen naagtii Shakraan aheyd, oo jaranjarada kaso dageyso martidana mid mid u salaameyso sidoo kalana indhaha la raaceysay gabdhaha xaflada kasoo qeyb galay ee martida ku ahaa.

Idinkuguma mashquulinaayo sida uu muuqaalkeeda isku badalay sanado kadib, sidoo kalana ma tilmaami karo ciilka iyo catowga aan waqtigaas dareemaayay, balse waan ku qasbanaa inaan is xakameeyo misna dhoola cadeyn muujiyo.

Sidii ay usoo socotay ayaana dhankeyga usoo dhawaatay ayadoona igu tiri; “Haye adiga halkaan miyaad ku cusub tahay?”

Anigoo farta isku tilmaamayo ayaana ku dhahay; “Anigaa?” markaas ayay igu tiri; “Haa adiga magacaa?”

Waxaan ugu jawaabay; “magaceyga waa Malik Bashtorki”.

Indhaheeda ayaana ka dareemay markii ay magaceyga maqashay iney ihtimaam isiisay ayadoona i leh; “Adiga ma waxaad kasoo jeedaa qoyska Bashtorki?”

Waxaan ugu jawaabay; “Haa” markaas ayay igu tiri; “Inbadan ayaan magaca qoyskiina maqlay, sharaf ayayna ii tahay inaan adiga kula kulmo”. Anigoo ciil isla xakameynaayo balse qosol aan jirin iska soo riixaayo ayaana waxaan ugu jawaabay; “Aniguna sharaf ayay midaas ii tahay”.

Kadibna inta iisoo dhawaatay ayay igu tiri; “Kawaran maalinta bari hadaad booqasho inoogu timaadid oo aan si fiican isku barano?”

Marnaba isma laheyn sidaan fudud ayay shabaqaaqa ugu soo dhici doontaa, balse waxay aheyd naag uu damac dilay, magaca qoyska aan wato markii ay maqashayna dhareerka kasoo daatay.

Waan ka aqbalay codsigeedii, kadibna waqtigii ayay ii balamisay ayadoona martideeda kale ku mashquushay, anigana Kamaal inta u baaqay ayaan waxyar kadib xafladii kasoo tagay.

Maalintii xigtay markii aan kulanay cabaarna sheekeysanay ayay igu tiri; “Kawaran arinka sideena u aragtaa?” anigoonan fahmin ayaan markaas weydiiyay arinkee?

Markaas ayay iigu jawaabtay; “Inaad noqotid Caruusada wiilkeyga?”

Hadalkeeda shook ayuu igu noqday waxaana soo xasuustay maalinkii ay aabahey guursaneysay, kadibna waxaan ku iri; “Waan ogolahay balse marka hore qoyskeyga inaad is barataan arinkana ay ogolaadaan ayaan doonayaa”.

Shakraan durba arinkii wey soo dhaweysay, anigana waxaan u sheegay in qoyskeyga haatan Turkiga jiraan sidaas owgeed aan fariin u diri doono, kadibna markii ay yimaadaan wax walba la dhameeyo.

Markii aan intaas kawada hadalnay ayay ii sheegtay, in haatan laga bilaabo gurigaan uu gurigeeda oo kale yahay sidaas owgeedna waqti walba oo aan u baahdo imaan karo, anigana dhankeyga waxaan ka codsaday in maalin ay booqasho noogu timaado, weyna iga aqbashay.

Waan kasoo tagay anigoo aamini la’san in wax walba qaabkaan fudud ay ku dhacayaan ma jiraan wax caqabad ah oo aan la kulmay si lamid ah sidii aysan iyadaba caqabad ugala kulmin khiyaanadii ay aabahey ku sameysay.

Eedadeey Sanaa ayaana u sheegay in Shakraan booqasho iigu imaan doonto gurigeeda maalintii aan aarsan laheyna lagaaray, kadibna waan kasoo tagay anigoona gurigii dib ugu soo laabtay.

Kamaal ayaana markaas waxaan ka codsaday adeeg iyo alaab aan ugu talo galay Shakraan inaan uga aarsado inuu ii diyaariyo sidii ayuuna sameeyay.

Markii la gaaray maalinkii ay isoo booqan laheyd ayay ii timid ayadoo laafyooneyso aadna u labisan, waana soo dhaweeyay ilaa ay gurigii gudaha usoo gashay.

Mar alle iyo markii ay gurigii soo gashay Kamaal oo qolka martida ku diyaarsanaa ayaana madaxa kaga dhuftay bud uu gacanta ku sitay, miirkii ayaana shakraan ka tagay ayadoona istaaga ka dhacday.

Intaas kadib anigii iyo Kamaal waxaan soo qaadnay shakraan, waxaana bilaabay lugaha iyo gacmaha inaan ka xiro, kadibna sanduuq weyn oo uu Kamaal sii diyaariyay ayaana kusoo dhex riday, halkii ayaana kasoo qaadnay ayadoo sanduuqii ku dhex jirta.

Waxaan sugnay ilaa inta habeenkii laga gaarayo, markii la gaaray ayaana gaari faras noo diyaarsanaa kusoo riday kadibna waxaan soo aadnay dhankii wabigii Niilka.

Markii aan wabigii u dhawaanay ayay Shakraan soo naaxday ayadoo qeylineyso balse ma jirin cid qeyladeeda maqli kartay, sanduuqii ayaana ka furay anigoona kor istaagay.

Wey yaabaneyd dhankeyga ayay soo fiirisay markii ay i aragtay ayayna igu tiri; “Maxaa igu dhacay alka aan joognana waa xagee?”

Waxaan ugu jawaabay; “Wixii aad shaqeysatay ayaa kugu dhacay halka aan joognana waa jaxiimadaadii”.

Ayadoo hadalkeyga la yaaban ayayna igu tiri; “Tumaad aheyd adiga maxaadna igu sameysay aniga? Maxaad iga dooneysaa?”

Anigoo qoslaayo ayaana markaas waxaan ku dhahay; “Si fiican inahdheyga u fiiri miyaadan wali aqoonsan qofka aan ahay? Hadii aadan i fahmina faraantigaan fiiri ma aqoonan kartaa?”

Iima aysan jawaabin waxayna u muuqatay qof aana wali i fahmin, markaas kadib ayaan hadana ku dhahay; “Si fiican u fiiri sanduuqa aad ku jirto miyaysan jirin wax aad kusoo xasuusatay? Wabiga daantiisa aan mareyno miyuusan wax kusoo xasuusinin? Aroosadii ku khiyaantayna miyaysan sheeko kusoo xusuusinin?”

Hadalkaas markii aan dhahay wajigeeda yaab iyo qaadan waa ayaa kasoo muuqday weyna aamini la’saneyd waxa ay aragto, markaas ayay igu tiri; “Adiga yaad tahay?”

Waxaan ugu jawaabay; “Aniga waxaan ahay Leyla Khaliil, qoyskeyga ma ahan Bashturki magaceygana ma ahan Malik ee waa Leyla oo kasoo jeeda reer Khaliil”.

Shook iyo amankaag ayaa wajigeeda markaas kasoo muuqday ayadoona leh; “Maya maya, macquul ma ahan arinkaan waa mustaxiil, ma dhici karto, adiga leyla ma noqon kartid adiga qof dhintay ayaad tahay, miyaan qarwayaa aniga?”

Waxaan ugu jawabay; “Maya tani qarow ma ahan, balse qarowgaagii dhabta ah hada ayuu kuu bilaaban doonaa, anigana qarowgeyga toos ayuu u dhamaaday”.

Shakraan oo oonyso ayaana markaa igu tiri; “Maya macquul ma ahan, adiga aniga ayaa ku dilay, suuro gal ma ahan inaad nooshahay”.

Waxaan ugu jawaabay; “Waa sax adiga waad i dishay oo xagaaga waan ka dhintay, balse aniga xag Alle ayaan ka noolahay biyihii wabigana waan ka badbaaday”.

Waxay i weydiisay; “Maxaad dooneysaa inaad igu sameyso?” markaa baan ku iri; “Miyaadan garaneynin su’aashaas jawaabteeda?”

Ayadoo wali ooyneyso ayayna igu tiri; “Waan ku baryaa i caawi ha dilin, maalkaaga oo dhan iyo wax walba oo aan kaa qaatay waan kuusoo celinayaa, kaliya inaan noolaado ii ogolow”.

Anigoo wajigeyga xanaaq ka muuqdo ayaana markaas ku iri; “Ma waxaad mooday in sheekada ay maal iyo lacag uun ku saabsantahay? Maya maya sidaad mooday ma ahan, balse sheeko sidaas wey ka weyntahay, aayo adiga waxaad dishay aabahey, waxaadna iga xaday nolosheydii iyo caruurnimadeydii, adiga wax fikrad ah kama heysatid dhibkii iyo rafaadkii aan soo maray, hada ma waxay kula tahay hantida aduunka taalo oo dhan hadii la isiiyo in magdhow u noqon karto rafaadkii aan soo maray? Maya maya, wax magdhow ah oo dhibkaan soo maray dabooli karo ma jiraan, sidaas owgeed haatan wixii aad igu sameysay oo kale ayaan kugu sameyn waxaana macquul ah holaca qalbigeyga ka shidan inuu qaboobo markaan ku arko adigoo tabtii aad ii dishay ku dhex jira”.

Shakraan markii ay aragtay carada wajigeeda ka muuqato iyo hadalka aan kula hadlaayo ayay yaqiinsatay inaanan cafin doonin, ayadoona isku dartay qosol iyo oohin naxdinta ka keentay, kadibna sanduuqii ayaan ku daboolay anigoona kor musmaaro waaweyn uga kawiyay sidii ay igu sameysayba.

Intaas kadib ayaan sanduuqii waxaan ku xiray labo dhaga oo waaweyn si uusan marnaba biyaha u kor sabeynin moolkana ula galaan, kadibna ayadoo sanduuqii ku jirta ayaan aniga iyo Kamaal soo qaadnay biyihii wabigana ku dhex tuurnay, cabaadka ka baxayayna wuxuu ii ahaa mid dhagaheyga ku raaxeystaan.

Markii aan arkay sanduuqii ay ku jirtay oo biyaha moolkooda sii fariisanayo ayaan nafis dareemay, waayo ugu dambeyn aargoosigeygii waan sameeyay, ugu dambeyn niyada ayaa ii qabowday, ugu dambeyn cadaalad ayaa dhacday, ugu dambeyna waxay u muuqataa in qalbigeyga dawoobay.

Waxaan dib ugu soo laabtay gurigeygii waxaana la kulmay eedadeey anigoona u sheegay wixii dhacay oo dhan, siweyn ayayna ugu faraxday, kadibna alaabteydii ayaan ka xirxirtay magaalada Qaahira ayadoo uu ila socdo saaxiibkey Kamaal, isla habeenkaas ayaana waxaan safar ugu ambabaxnay Turkey, gurigii aan daganaana waxaan furihiisa ku wareejiyay eedadeey.

Waxaan kusoo aadnay ayadoo la gali rabo bishii Ramadaan, waxaana dareemay iney ii tahay fursad aan uga toobad keeno dhammaan dambiyadii aan galay, waxaan bilaabay inaan salaada tukado, bishii barakeysneydna soomo anigoona cibaado u go’ay.

Waligey horay uma aanan dareemin shucuur ceynkaas oo kale, daganaan, xasilooni, raaxo iyo dhamaan dareen walba oo wanaagsan ayaan ka helay salaadii iyo soonkii.

Kamaal wuxuu gudaha Turkiga ka bilaabay howlo ganacsi asigoona lacagtii aan wadanay suuqa ku galay, wuxuu ahaa nin si adag u shaqeeya bashaash ah qalbi furan aadna ii jecel, sidaas owgeed markii uu jaceylkiisa iisoo bandhigtay guurkana iga dalbaday si deg-deg ah ayaan uga aqbalay.

Markii aan Kamaal is guursanay kadib waxaan bilaabay inaan diinta wax ka barto, marnaba ma aanan ogeyn diinta islaamka iney tahay mid tasaamux iyo cafis leh, balse markii aan waxbadan akhriyay ayaan ogaaday sida uu cafiska uga wanaagsanyahay aargoosiga inkastoo aargoosiga qudhiisa uusan wax dhib ah laheyn.

DHAMAAD.

Hadii aad sheekada la socotay sidee u aragtaa Sheekada?

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here