Sheekada Caruusadii Dilaaga noqotay.

Waxaa Turjmay; Cabdiraxmaan Xasan Anteeno.

Advertisement

Qiasadani idiin hortaalo ayaa waxay dhacday sanadkii 1590kii taariikhda Miilaadiga waana waqtigii ay dowladii Cuthmaaniyiinta ka arimin jirtay inta badan caalamka oo ay kamid tahay Masar halkaasoo sheekadaan ay ka dhacday.

Hadaba qisadani ayaa waxaa afkeeda ku warineyso gabadhii ay qabsatay ayadoona sheekada ku bilowday sidatan;

CUTUBKA KOOWAAD; GURIGII AALA KHALIIL.

Ma jirto cid garaneyso sirta nolosha, hadiise ay dhacdo in qofkood uu idiin sheego inuu garanayo sida ay noloshaani u shaqeyso hadaba ogoow in qofkaasi beenaale yahay, ama ugu yaraan doqon yahay waayo ma jiro cid garan karta hab socodka nolosha aduunkaan saran waayo maalin walba wax aadan ku talo galin iyo waxaan qorshaha kuugu jirin ayaad arkeysaa.

Waxaad suureysanaysaa Mustaqbal, waxaad dhisaneysaa riyooyin niyadaadana waxyaabo badan ayaa ku jiraan balse waxa ay nolosha kuu diyaarisay kuna sugaayo marnaba ma garan kartid.

Magaceyga waa Layla Khaliil tanina waa qisadii aniga I qabsatay;

Waxaan ahaa 10 jir markii uu aabahey Mustafa Khaliil guurkiisii labaad galayayasigoona guursaday naagta lagu magacaabo Shakraan Tiirim, anaga waxaan kazoo jeednaa mid kamid ah qoysaska ugu ladan Turkiga waxaana ku nooleyn magaalada Qaahira.

Hooyadeey waxay geeriyootay xiligii aan saqiirka ahaa anigoona waqtigaas kaliya hal sano jiray, waxaana ahaa ubadka kaliya ee hooyadey iyo aabahey isku dhaleen.

Markii aan 10 jirsaday aabahey waxay is barteen haweeneyda lagu magacaabo Shakraan Tiirim waxayna aheyd haweeney Turkish ah da’ideeda 30 jir aheyd, ayadoona kazoo jeeday mid kamid ah qoysaska ugu waaweyn Turkey, muuqaalkeeda waxaa ka muuqatay heybad baaxad leh, waxayna laheyd waji fidsan iyo indho aad u waaweyn, sandheer oo dhuuban iyo timo dhirirkooda aad yaabeyso, waxay mar walba aheyd mid carfeyso udgoonkana uu kazoo burqanaayo sidoo kalana deymadeeda waxay aheyd mid xoogan oo markii ay kusoo eegto waxaad qiyaasan kartaa in deymadaas jirkaada ka dhex baxday, sidoo kalana aad ka dheehan karto caqliga lixaadka leh ee ay laheyd.

Haweeneydaan aan idiin sifeeyay misna nolosheyda kusoo biirtay  kadib markii uu guursaday aabahay waxay sabab u noqon doontaa iney is badasho guud ahaan nolosheyda min bilow ilaa dhamaad.

Kulankii ugu horeeyay ee aan wada qaadanay ayay inta iisoo dhawaatay ayadoo indhihii aan ogaa igu soo eegeyso waxay igu tiri; “Labadeena waxaan noqon doonaa saaxiibo aad isugu fiican”.

Intaa markii ay I tiri ayaan anigoo dhulka fiirinaayo sidoo kalana aad uga cabsanaaayo in indhaheeda iyo kuweyga is qabtaan waxaan si hoose u dhahay’ “Hagaag”. Anigoona waqtigaas deymadeeda kulul ka baqaayay.

Markii ay aragtay falcelinteyda iyo sidaan u dhaqmaayo ayay inta dhoola cadeysay waxay igu tiri; “Aniga ma doonaayo inaan galo booskii hooyadaa, sidaas owgeed makugu qasbaayo inaad iigu yeerto magaca hooyo”.

Waxaan aad ula yaabay hadalka afkeeda kazoo baxay waayo waxaan filaayay in si aan naxariis laheyn iila dhaqmi doonto, isla markaana ay tahay qof xun balse waxay haatan u muuqataa inaan fikrad qaldan ka heystay ayada.

Anaga guriga aan daganeen wuxuu ka koobnaa dabaq labo biyaano ah, qeybta hoose ee guriga misna dhulka xigta waxaan daganaa Ragga, sidoo kalana waxaa ku yaalay qol ay daganyihiin shaqaalaha guriga, Jikada guriga, Barxada soo dhaweyn iyo qolka maciishada, halka qeybta sarana ay aheyd qeybta ay dumarka daganyihiin sidoo kalana waxaa ku yaalay qolal loogu talo galay martida  iyo hoolka xiliga casuumada jirto. Intaana waa tusaale ku tusinaayo sida ay u yaaleen guryaha dadka taajiriinta waqtigii Cuthmaaniyiinta.

Guurka waqigaas sidoo kale wuxuu ahaa mid dhaqamo gooni ah leh, anaga kahor inta uusan aabahey guursan Shakraan dhowr maalmood ayay qaban qaabada arooska socotay waxayna bilaabatay maalin isniin ah, ayadoona maalintaas Caruusada lasoo galbiyay howsha la qabanaayo ayaana waxay tahay in aroosada oo la galbinaayo si heer sare loogu soo dhaweeyo guriga arooska, waxayna galbinta maalmo kahoreyn jirtay guri geynta, ayadoona maalinta xigta gabi ahaanteedaba laga shaqeyn jiray qurxinta jirka aroosada iyo carfinteeda, maalinta arbacadana waxaa isku imaan jiray dhamaan martida laga wacay arooska.

Xaflada arooska markii la maraayo galabkii arbacada ayay si rasmi ah u bilaabatay, waana waqtiga ay inta badan martida arooska isku yimaadaan, anaga maalintaas dadkii noo yimid waxaa kamid aheyd eedadey Sanaa Khaliil oo aabahey la dhalatay, waxayna aheyd mid madaxa lasii galeyso da’da sodomaadkii.

Eedadey Sanaa waxay aheyd gabar aad u dheer sidoo kalana jog iyo qurux ilaahay ku maneystay, waxay laheyd timo guduudan misna aad u qurux badan iyo midab dhalaalayo qofkastana soo jiidanayo, aniga ahaana agteyda hooyadey oo kale ayay iiga sineyd maadaama aanan hooyadey arkin anoo caqli leh.

Inkastoo eedadeey ay madaxa lasii galeysay da’da 30ka sano hadana marnaba wali ma aysan guursan, waxaana u sabab aheyd ayadoo aaminsaneyd ineysan marnaba helin qofkii nolosheeda iyo quruxdeeda u qalmay ee ay ku aamini laheyd.

Eedadeey mar walba indhaheeda waxaan ka dareemi jiray kalsooni baaxad leh waxayna aheyd qof aad isugu kalsoon cizi iyo sharafna ku nool ayadoona aaminsaneyd qiimaha ay laheyd nafteeda, dadka qaar habdhaqankeeda waxay u arki jireen inuu yahay isla weyni iyo kibiri iyada ku jira balse aniga waxaan aaminsanaa ineysan marnaba kibir aheyn balse ay aheyd kalsoonida ay nafteeda ku qabtay.

Maalintaas markii ay guriga imaaday misna soo dhaweeyay ayaan xoogaa is wareysanay xaalada guud iwm, kadibna anagoo wada fadhino ayaa waxay igu tiri; “Sidee u aragtaa xaaska uu aabahaa guursanayo ee Shakraan?”

Markaas ayaan waxaan ugu jawaab celiyay; “Waxay iila muuqataa iney tahay qof aad u wanaagsan oo qalbi nadiif ah leh”.

Jawaabtaa markii aan siiyay ayay eedadey Sanaa dhoola cadeysay kadibna waxay eegtay dhankii ay fadhisay Shakraan oo waqtigaas la sheekeysaneysay qaar kamid ah qaraabada aabahey, waxaana deymada eedadey Sanaa ka dareemay shaki xoogan oo ay ka muujineys dhanka Shakraan, markaas ayaan ku dhahay; “Maxaa dhacay?”

Inta dhankeyga soo jaleecday ayay markale ii dhoola cadeysay ayadoona tiri; “Wax cusub ma jiraan balse waan kuu xiisi doonaa”.

Ma aanan fahmin waxa ay kala jeeday erayga waan kuu xiisi doonaa maadaama aan hal magaalo kuwada nooleen, sidaas owgeed ayaan waxaan ku dhahay; “Ma waxaad dooneysaa inaad baxdo? Xageena aadeysaa?”

Eedadey ayaana iigu jawaabtay; “Waxaan u safri doonaa Turkiga anigoona doonayo inaan halkaas waqti dheer kusoo qaato sidaas owgeed halkaan inaan ku sagootiyo ayaan u imid anigoona sidoo kale hadiyad kuu keenay”.

Intaa kadib ayaa waxay soo bixisay hadiyadii ay waday ayadoona furtay wuxuuna ahaa Faraanti dahab ah oo aad u qurux badan kaasoo uu ku qornaa magaca qoyskeena, markii aan faraantigii arkay ayaana aad ugu farxay waxaana aad iiga sii yaabiyay quruxda farantiga iyo qaabka loo xardhaybay, kadibna waxaan u dhawaaday eedadey dhankeeda anigoona hab siiyay ugan mahad celiyay hadiyadaan qiimaha leh ee ay ii keentay kadibna waxaan ku dhahay; “Sidoo kale waan kuu xiisi doonaa waana ku tabi doonaa”.

Hab ayay isiisay ayadoo ii dhoola cadeyneyso kadibna waxyar kadib waxay eegtay dhankii Shakraan oo wali la hadleysay qaar kamid ah qaraabada aabahey waxaana indhaha eedadey Sanaa ka muuqdeen shakigii ay hadaayay ku eegtay.

Aniga waqtigaas wax ihtimaam ah ma aanan siinin deymadaan shakiga badan uu ka muuqdo ee Eedadey Sanaa Khaliil ku eegeyso dhanka Shakraan oo aheyd naagta uu aabahey guursan rabo balse gadaal ayaan ka ogaan doonaa sirta ka dambeysa shakigaas baaxada leh ee indhaha eedadey ka muuqday.

La soco qeybta 2aad…

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here