Codsi ay Chelsea u gudbisay Premier League oo ay ku doonaysay in dib loogu dhigo kulanka Wolves ay ugu tegayso Molineux ayaa lasoo diiday, taas oo ka dhigan inay ciyaari doonto iyadoo aan haysanin Romelu Lukaku, Timo Werner, Callum Hudson Odoi iyo Ben Chilwell oo uu Fayraska Korona ku dhacay.

Tababare Thomas Tuchel ayay kooxdiisu saaka gudbisatay codsiga baajinta ciyaartan, hase yeeshee jawaabta ayaa soo baxday saacad iyo badh ka hor xilliga ay ciyaartu bilaabmayso, waxaanay ku qasban yihiin in iyagoo aan niyad fiican haysanin ay waajahayaan Wolves.

Tuchel ayaa ciyaarta kusoo bilaabay Hakim Ziyech oo weerarka ay ku wehelinayaan Christian Pulisic iyo Mason Mount, halka khadka dhexena uu kusoo laabtay N’Golo Kante oo ka garab ciyaaraya Reece James, Marcos Alonso iyo Chalobah, iyadoo uu gebi ahaanba garoonka ka maqan yahay Jorginho.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI: Mendy, Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Chalobah, Kante, Alonso; Mount, Pulisic, Ziyech

Kaydka: Arrizabalaga, Bettinelli, Kovacic, Niguez, Barkley, Sar

WOLVES XI: Sa, Hoever, Kilman, Coady, Saiss, Marcal, Dendoncker, Neves, Moutinho, Podence, Jimenez

Kaydka: Moulden, Ruddy, Jordao, Trincao, Semedo, Traore, Cundle, Bueno

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan