Manchester United ayaa u dagaallami doonta inay kusoo laabato jidka guusha marmka ay caawa garoonka Old Trafford ku qaabbisho Burnley oo ay horyaalka Premier League ku ballansan yihiin.

Red Devils ayaa Isniintii waxay barbarro 1-1 ah la gashay Newcastle United, halka Burnley aanay ciyaarin tan iyo December 12 oo ay barbarro goolal la’aan ah wada galeen West Ham United, sababtuna waxay ahayd Fayraska Korona oo ku habsaday, isla markaana ciyaaartooyo badan dibedda ka dhigay.

Manchester United waxa caawa ganaaxa kaga maqan Bruno Fernandes oo shan kaadh oo digniin ah qaatay, Victor Lindelof oo karantiil ku jira iyo Paul Pogba oo dhaawac ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Rangnick ayaa isbeddelo ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Newcaslte United, waxaana uu kaydka u diray Marcus Rashford,  Raphael Varane, Alex Telles, Diogo Dalot iyo Fred, halka uu Ferandes ku maqan yahay ganaax.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United X: De Gea, Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Shaw, Matic, McTominay, Greenwood, Sancho, Cavani, Ronaldo

Kaydka: Henderson, Rashford, Lingard, Fred, Varane, Dalot, Telles, Van De Beek, Elanga.

Burnley XI: Hennessey, Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor, Gudmundsson, Cork, Westwood, McNeil, Lennon, Wood.

Kaydka: Norris, Stephens, Collins, Pieters, Bardsley, Vydra, Thomas.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan