Manchester United ayaa raadin doonta inay kusoo laabato jidka guusha horyaalka Premier League marka ay fiidka hore ee caawa garoonka Villa Park ugu tagaan Aston Villa.

Ralf Rangnick ayaa siddeed beddel ku sameeyey safkii uu ku ciyaaray kulankii FA Cup ee Aston Villa ee toddobaadkii hore, waxaana ka maqan Luke Shaw iyo Scott McTominay oo ganaax ah, waxaana beddelay Alex Telles iyo Nemanja Matic, halka Antony Elanga uu helay bilow dhif iyo naadir ah.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaan gebi ahaanba joogin garoonka, waxaana kaydka ku jira Harry Maguire oo kasoo noqday dhaawac.

Difaaca dhexe ayay kusoo wada bilowdeen Victor Lindelof iyo Raphael Varane, halka ay labada dhinacna ka xigaan Alex Telles iyo Diogo Dalot.

Waxa kale oo aan liiska kooxda ku jirin Marcus Rashford oo uu booskiisa beddelay Elanga oo ka garab ciyaaraya Mason Greenwood iyo Edinson Cavani.

Dhinaca Aston Villa, waxa kaydka ugu soo bilowday xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo ay kala soo wareegeen Barcelona, hase yeeshee Steven Gerrard waxa uu kusoo bilaabay Lucas Digne oo laba  maalmood ka hor ay kala soo saxeexdeen Everton.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Dalot, Lindelof, Varane, Telles, Matic, Fred, Bruno Fernandes, Greenwood, Cavani, Elanga

Kaydka: Heaton, Henderson, Jones, Maguire, Mata, Lingard, Sancho, Van de Beek

Aston Villa XI: Martinez, Cash, Konsa, Mings, Digne, Luiz, Sanson, J Ramsey, Buendia, Ings, Watkins.

Kaydka: Steer, Targett, Young, Coutinho, Hayden, Hause, Chukweumeka, Archer, Iroegbunam.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan