Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina Sergio Aguero ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha kubadda cagta, kaddib markii uu talo ka helay shaqaalaha caafimaadka.

33-sano jirkaan ayaan u ciyaarin kooxdiisa tan iyo markii lagu qasbay in garoonka laga saaro kulankii Alaves ee dhamaadkii bishii October, iyadoo weeraryahanka uu ka cabanayay xabad xanuun iyo neefsashada oo ku adkaatay.

Aguero ayaa markii hore la filayay inuu garoomada ka maqnaado muddo saddex bilood ah, iyadoo ay si dhow ula socdeen khubarada caafimaadka, ka hor inta aan go’aan laga gaarin mustaqbalkiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer South America ayaa shir jaraa’id oo uu si rasmi ah u qabtay ku shaaciyay inuu ku qasbanaan doono inuu ka fariisto ciyaaraha kubada cagta ka dib talobixin uu siiyay dhakhaatiirta.

Aguero ayaa la sheegay in laga helay garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn ka dib markii uu maray tijaabooyin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan