Sadio Mane ayaa dhaliyay gool rigoore ah lix daqiiqo markii ay socotay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta,waxana Senegal ay 1-0 kaga badiyeen xulka Zimbabwe ciyaartii furitaanka koobka qaramada Afrika ee Group B.

Dalka Senegal ayaa waxaa ka dilaacay caabuqa Corona, waxaana qaar ka mid ah xiddigihii ugu waaweynaa kooxda ay ku maqan yihiin xanuunka.

goolhayaha kaydka ah ee Seny Dieng ayaa shabaqiisa ilaashaday Madama xiddiga Chelsea Edouard Mendy uu Corona la Maqanyahay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Kalidou Koulibaly ayaa ah ciyaaryahan kale oo ku Maqan go’doon. Senegal 17 ciyaaryahan ayaa diyaar u ahaa kulankii Zimbabwe, waxaana ay ku badiyeen gacan qaad uu sameeyay Kelvin Madzongwe waqtigii dheeriga ahaa.

Gelinka dambe ee maanta, Guinea iyo Malawi ayaa ku kulmidoona.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan