Muqdisho (Dalkaan.com) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa shacabka u furtay wejigii labaad ee saamiyada ayada oo sheegtay inay meel kasta oo ay joogaan ay saami ama SHARE ku darsan karaan shirkadda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeed

Advertisement

Shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shikaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021.

Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Mas’uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda isgaarsiinta sotel & Dahabshil Group Intaba.

Munaasabadaan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weynwhw kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfuray  Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland.

Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin “isagoo tilmaamay inay ka qeyb –qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uu na ku dhiirageliyaya in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.”

Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay

Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faa’iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid Istaraatiijyad  gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacadaSaamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraanBahweynta Saamileyda ayna K amid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda somtel”

Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda isgaarsiinta somtel “U jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeed”

Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018  u daah-furtay bulshada soomaaliyeed  Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshadu soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen

Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada Somtel  Wejigii Koowaad  ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada somtel Muqdisho si ay uga Faa’ideystaan Fursadaan  Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.

 

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here