Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay gudaha magaaladaasi.

Doorashada oo la qabtay kursigii ugu horreeyey ee HOP#248 ayaa waxaa ku tartmay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Cabdullahi Xersi Diirshe, waxaana kursigan ku guuleystay Saadaq Joon oo helay 81 cod, halka musharixa kale uu isna helay 17 cod, sidoo kale waxaa halaabay 2 cod, sida uu shaaciyey gudiga doorashada ee maamulka Galmudug.

Guusha Saadaq Joon ayaa ahaa mid la filayey, maadaama kursigan si gaar ah isaga loogu xiray, laguna bilaabay kuraasta maanta doorashadooda lagu qabanayo Dhuusamareeb.

Jnerelkan oo ay horey isugu qabteen Farmaajo ayaa saaxib la’ah Qoor Qoor, wuxuuna waayadii dambe ku noq-noqonayey deegaanada Galmudug.

Sidoo kale doorashada ayaa sii soconeyso, ayada oo lasii amba qaadayo doorashada saddexda kursi ee kale ee isla maanta loo qorsheeyey in lagu qabto Galmudug.

Guddiga doorashada Galmudug oo ka hadlay qabashada doorashadan ayaa sheegay inay qayb  ka tahay fulinta heshiiskii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardarleh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka.


Source: dalkaan.com