Garoowe (Dalkaan.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Rooble ayaa waxaa  soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xildhibaano, wasiiro, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada Puntland.

Advertisement

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka, islamarkaana Punyland iyo maamullada uu kala hadlayo saddex arrin oo kale ah:-

1 – Wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
2 – Arrimaha doorashooyinka dalka oo muran xooggan uu ka taagan yahay.
3 – Iyo amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saaraysa adkeynta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaraha ayaa sidoo kale booqan doona dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kula kulmi doono madaxda iyo bulshada.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here