Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ambasador Staffan Tillander oo ah safiirka Sweden u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Deni iyo Tillander ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday caqabadaha hortaagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka & kuwa dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayey xaaladda adag ee kala guurka.

Siciid Deno oo maalmo badan ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeedo qorshaha dowladda iyo hannaanka ay ku wajaheyso doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mid cakiran, waxaana la’isku mari waayey kulamo la’isugu soo dhoweeyey dowladda dhexe, Jubbaland iyo sidoo kale Puntland.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here