Facebook

Advertisement

Garoowe (Dalkaan.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyey e rasmi ah la yeeshay madaxda sare ee Puntland, kadib markii uu shalay gaaray gudaha magaalada Garoowe.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq, madaweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada-hadlay marxaladda uu dalka marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo muranka ka taagan.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan wada-shaqeynta Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulamada ayaaa sii socon doono, iyada oo lagu ballamay shirar kale, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Garoowe u tegay, sidii loo fulin lahaa heshiiskii lagu gaaray Muqdisho, xalna loogu heli lahaa dooda hareysay doorashada Soomaaliya.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here