Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa waxay labada mas’uul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, oo kal hore uu soo kala dhex galay mad-madow badan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad-celiyay madaxweyne Geelle kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, oo door muhiim ah uu ka qaatay.

Kulanka ayaa kamid ah kulamo gooni-gooni ah oo Rooble uu la yeelanayay madax iyo siyaasiyiin kala duwan, kadib xiritaankii Shirweynaha Wada-tashiga ee Machadka Heritage oo dalkaas ka socotay maalmihii u dambeeyay.




Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com