Muqdisho (Dalkaan.com) – Galinka Dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Deni halkaas oo la filayo inuu uga qaybgalo wadahadallada madaxda Soomaaliya ee ku aadan xalinta khilaafka ka taagan qabashada doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

Goordhaweyd waxa Muqdisho ka dagtay diyaarad ay la socdeen ilaallada madaxweyne Deni oo horudhac u ah tagistiisa Halkaasi.

Advertisement

Muqdisho waxa horey u joogay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, inkastoo xubno kale ay wali ka maqan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu shir uga furmay teendho ku taalo Afisyooni Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka ka furmayo Afisyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Beesha Caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro heshiis ku saabsan qaabka ah noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here