Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxan oo ay ka qeyb-galayaan dadweyne u badan dhalinyaro ayaa goor dhow ka billowday degmada Kaaraan, agagaarka isgoys-ka Mirinaayo ee magaalada Muqdisho.

Dadweynahan ayaa ku qeylinayo erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, iyada oo dibad-baxayaasha ay taayaro ku gubayaan waddooyinka.

Wararka araa ayaa sheegaya in banaan-baxan ay soo abaabuleen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa waddooyinka qaar lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxyadaan oo ahaa kuwa horey loo sii qorsheeyey.

Ciidamada oo intooda badan ku sugan Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, iyada oo ay dadku isticmaalayaan cagahooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here