Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Afgooye (Dalkaan.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Gorgor ay ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galee deegaanada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey, waxaase iska caabin ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha guutada Gorgor Coll Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanadaas isla-markaana ay joob xoogan gaarsiiyeen.

Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howl-galka ka dhacay deegaanka Shaamgare ay ku duleen illaa 5 xubnood, kuna dhaawaceen 7 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaqyada ay haatan ka wadaan agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliso halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay wadaan abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa sare u qaaday howl-gallada lagula dirirayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.




Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com