Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.

Odowaa oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya ( EUTM) uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka.

Dhankooda saraakiisha howl-galka EUTM ayaa muujiyay sida ay ugu qanacsan wada-shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga taageero dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale tababaradooda.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here