Atirishada soo caan baxday Sara Ali Khan ayaa ciwaanada Bollywood-ka qabsatay xili ay banaanka usoo baxday iyada iyo asxaabteeda waxayna kasoo wada cunteeyeen maqaayad ku taalo deegaan Bandra ee Mumbai ka tirsan kadibna sawir qaadayaasha ayaa gabadhan ku maadeesteen waxayna wax ka sheegeen boorsada gacanta ay wadatay.

Advertisement

Sara Ali Khan waxaa u xirnaa Face Mask-ga si ay shuruucda Karoonaha u ilaaliso sidoo kalena gabadhan kama qasneyn markii ay banaanka kasoo cunteesay laakiin ciwaanada laga sameeyay ma aysan soo dhaweyn kadib markii lagu mashquulay boorsada gacanta ay wadatay nooca loo yaqaan Kit Kaat.

Boorsda Sara wadatay Kit Kat oo midib gaduudan ahayd waxaa lagu qiimeeyaa 900 Rupees ($12) waxayna warbaahinta dhaheen Sara oo xidig caan ah lacag buurana heesato inay boorso raqiis ah soo qaadato waa ku ceeb weliba ayadoo ka mid ah jiilka cusub ee lagu yaqaan xirashada agabyada kala duwan ee qaaliga ah.

Sara Ali Khan ma aysan ka hadlin in warbaahinta ku maadeesatay waxayna gabadhan ka nasaneesay shaqada filimkeeda Atrange Re oo ay la jileyso Akshay Kumar iyo Dhanush waa filim jaceyl sedex geesood ah oo dabyaaqada sanadkan la daawan doono. Sidoo kalena Sara filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Coolie No. 1 oo ay la sameesay Varun Dhawan lana daawaday dabyaaqadii sanadkii hore oo Online ahaan waxaa looga daawaday barta Amazon Prime Video.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here