Warbaahinta ayaa siyaabo kala duwan u hadal heyso in Superstar Sanjay Dutt xaaskiisa Maanayata Dutt hadiyad u siiyay 4-Appartment oo qaali ah qiimo ahaana ku fadhiyaan 100 Crore ($13.70m) laakiin Maanayata dib ayay hadiyad hantida ma guurtada ah seygeeda ugu soo celisay waana arinta keentay in waaxda canshuuraadka dhulka Hindiya talabaadan ka shakiyaan haatana baaritaan sameenayaan.

Advertisement

Sanjay Dutt xaaskiisa Appartnemts-yada uu siiyay waxay ku yaaliin dhismaha caanka ah  Imperial Heights ee deegaanka Pali Hill ku yaaleen kana tirsan Mumbai, waxaana la sheegay in guryahan qiimaha dowlada ugu diiwaan gashan yihiin ay yihiin 26.50 Crore ($3.63m) balse qiimaha suuqa dhulka Dutt xaaskiisa ku wareejiyay ka yihiin 100 Crore sida dalaaliinta shaaca ka qaadeen.

Sanju dhulkan wuxuu xaaskiisa ku wareejiyay kuna qoray 23-kii December 2020 waxaana dhacday in 29-kii December 2020 Maanayata Dutt dhukan dib ugu soo celisay seygeeda Sanju oo dukumintayaasha mar labaad Sanju lagu qoray waana arinta haatan keentay shakiga badan.

Waaxda dhulalka canshuuraadka Hindiya gaar ahaan gobolka Maharashtra waxay sheegeen in Sanju xaaskiisa hadiyad hanti kasto u siin karo madaama sharciga uu qabo midaas, balse Sanju iyo Maanayata waxay sameeyeen waxaa loo arkay arin guryahan qiimahooda sare loogu qaadayo canshuurtana ay rabaan inay kaga baxsadaan.

Qofka hantidiida ma guurtada ah qof kale oo qoyskiisa ka tirsan haddiyad ahaan wuu u siin karaa markaasna canshuur badan lagama rabo laakiin qofkii haddiyada hantida ma guurtada ah la siiyay dib uma soo celin karo sharaxaad lagu qanco ayadoon la bixin sida waaxda canshuuraadka Hindiya qabto sidaa darteed Sanju arinta uu sameeyay waxaa loo fahmay guryihiisa inuu qiimahooda sare u qaadayay madaama dowlada 26.50 Crore ugu diiwaan gashan yihiin canshuur baddana aan laga qaadin hadiyad ahaan xaaskiisa u siiyay haddane xaaskiisa dib ayay usoo celisay hantidan waxaana haatan qiimo ahaan loo diiwaan galiyay 100 Crore inay ku fadhiyaan waana arin Dutt iyo xaaskiisa lagu qabsan karo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here