Superstar Sanjay Dutt waqti badan ma haayo madaama mar dhexdaas kansar kaga dhacay dhanka sambabada shaqooyin badan oo uu qaban lahaa dhanka filim jilista ayaa hakad kaga yimid si uu caafimaadkiisa ugu dadaalo ugu dambeyntii Dutt wuu soo kabtay wuxuuna marka kowaad soo idleeyay jadwalka filimkiisa KGF Chapter 2.

Advertisement

Haatan Sanjay Dutt wuxuu amba qaaday si xawaare ku dheehan jadwalka filimka Prithviraj ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay waxaana kula jirto gabadha tartanka quruxda aduunka ku guuleesatay sanadii 2017 Manushi Chhillar waxaana maal galineyso shirkada Yash Raj Films waana filim weyn oo looga hadlaayo nolosha dagaal yahankii Hindiya ku weynaa Prithviraj Chauhan waxaana doorkan matalaayo Akshay Kumar.

Director Chandraprakash Dwivedi ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Sanjay Dutt madaama uu mudo 5-maalmood ah kusoo gaba gabeeyay jadwalka muhiimka ahaa ee mashruucan ka harsanaa madaama Akshay iyo Manushi marhore dhameestireen shaqada filimkan looga bahnaa waxaana la isla dhex maraa in filimka Prithviraj la daawan doono qaybaha dambe ee sanadkan.

Sidoo kale filimka Prithviraj waxaa door muhiim ah ku leh Sonu Sood haatana shaqadiisa inta badan wey soo idlaatay kaliya waxaa la sugaa in lagu dhawaaqo waqtiga rasmiga ah ee filimkan weyn la daawan doono waana mashruucan Akshay Kumar awoodiisa dhanka dagaalka seefaha iyo fardaha kusoo bandhigi doono madaama uu filim boqortooyo yahay fariin ahaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here