Bishii Oktoobar, Salman Khan ayaa duubay filimka Radhe oo uu ku qaatay jadwal 15-maalmood ah oo ku kala bixiyay magaalooyinka Karjat iyo Mumbai. Tan iyo waagaas, jilaaga, oo ay wehliyaan agaasime Prabhudheva iyo kooxda soo-saareysa waxay ka shaqeynayeen soo-saarista filimka ka dib si ay ugu diyaargaroobaan sii deynta Ciid 2021.

Advertisement

Salman Khan wuxuu saxiixay heshiis ballaaran oo lagu sii daynayo filimka. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay“Salmaan wuxuu iibiyay xaquuqda dayax gacmeedka, tiyaatarka (Hindiya + Dibedda), xuquuqda dijitaalka iyo muusigga-da

Filmka Radhe – oo Aad Loogu Baahan Yahay waxaa Zee Studio lagasiiyay lacag dhan Rs. 230 crores, taas oo ah heshiiska ugu weyn xilliyada viruska Covid uu jiro.heshiiska ayaa ugu dambeyntii la jebiyey horraantii Decembar.

Waa heshiis macquul ah oo u horseeday Salman macaash badan halka Zee, sidoo kale, qatar badan eesan kulaheen maadama filimada Salman ay leeyihiin qiimo aad u weyn oo soo laabasho ah marka loo eego dhanka dhijitaalka iyo dayax gacmeedka.

” Arrinta xiisaha lihi waxay tahay, in filimku horey loogu talo galay in YRF si caalami ah loogu daayo masraxiyad ahaan, hase yeeshee, hadda, waxay noqon doontaa Zee Studios, oo mas’uuliyadda lagu aaminay. “Waa heshiis weyn, iyo bilow iskaashi ah.

shirkadda Zee Network oo 3-dii film ugu dambeysay usii daaysay sida – Race 3, Bharat iyo Dabangg 3 – wuxuu arkay inuuyahay telefishanka adduunka Zee Cinema, ”ayaa lagu yidhi ilaha ganacsiga sallu.

Radhe waxaa lajilaya Disha Patani oo ah atariishada filmka halka Randeep Hooda uu yahay doorka xumaanta Jackie Shroff ayaa sidokale door muhiim ah oo booliis ah kuleh. Filimku waa dib-u-habeynta rasmiga ah ee Filimka Kuuriya, The outlaws, wuxuuna diyaar naqan doonaa Ciidda 2021 si tiyaatarada looga daawado

Salman ayaa dhawaan u dabaal dagay sanad guuradiisa 55-aad waxaana uu hada ku raaxeysanayaa fasaxa ciida masiixiga beertiisa Panvel. Bisha Janaayo ee isbuuca ugu horeeya, wuxuu dib u bilaabi doonaa duubista filimka ‘Antim: The Truth Truth’ oo uu wehliyo Aayush Sharma ka dibna wuxuu u gudbi doonaa Tiger 3 laga bilaabo Maarso 2021.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here