Alexis Sanchez ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo hogaamiyaasha Serie A ee Inter ay 5-0 ku xasuuqday Salernitana ciyaar ka dhacday Stadio Arechi.
Alexis Sanchez lala xiriirinayay suurtogalnimada uu Janaayo u dhaqaaqi karo Barcelona maalmihii la soo dhaafay, weeraryahanka Chile ayaa lagu soo bilaabay kaliya bilowgiisii seddexaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana uu dib u soo celiyay tababare Simone Inzaghi isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee heer sare ah tan iyo May.
Ivan Perisic iyo Denzel Dumfries ayaa goosha inter Milan Daah-furay qeybta hore ee ciyaarta Daqiiqadihii 11ad iyo 33aad .
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Labada ciyaaryahan ee Lautaro Martinez iyo Roberto Gagliardini ayaa goolasha afaraad iyo shanaad u dhaliyay Inter, natiijadaasi oo ka dhigan in afar dhibcood ku hogaamiyaan Horyaalka Serie A iyadoo sanadka uu hal kulan ka harsan yahay.
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan