Dhidiba u aasida maamul goboleedka Puntland waqti laga joogo 23 sano waxaa usoo halgamay siyaasiyiin, waxgarad, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada, kumana imaan xabad iyo awood cid gaar ah sheegata, hase ahaatee tallo guud iyo maslaxo la isla qaatay oo ay heshiis ku gaareen beelaha ood-wadaagta ah isla garteen.

Taasi waxay horseeday maamul nidaam iyo kala danbeyn leh ay kusoo xukumayeen madaxweyneyaal xukunka isku dhiibayay iyadoo aysan dhicin wax qalalaase ah oo bulshada ku mideysan magaca Puntland ay ku dooranayeen hadba madaxdii ay u arkaan in maslaxada ummada ka shaqeynaayo.

Tan iyo aas-aaskii Puntland waxaa maamulkaasi soo maray Shan madaxweyne oo kala ah C/llaahi Yuusuf Ahmed (AUN) oo lagu aas-aasay Puntland, Cadde Muuse Xersi (AUN), C/raxmaan Faroole, C/weli Cali Gaas iyo Saciid C/llaahi Deni oo hadda xilka haaya, ma jiro madaxweyne Puntland soo maray oo caqabada iyo collaada Boosaaso ka taagan mid la mid ah la kulmay, Puntland-na u horseeday shacabkeeda barakac, dhimasho iyo in maamulkii dowladnimo uu noqdo mid jaandaa rogan, marka laga reebo qalalaasihii xukun ku dirirka Jaamac Cali Jaamac iyo C/llaahi Yuusuf balse xalkeeda degdeg noqday.

Dabcan wey jireen dhibaatooyin hore oo madaxdii Saciid Deni ka horay ay la kulmeen hase ahaatee marka dib loogu noqdo Isimada iyo waxgaradka ay xalin jireen, iyadoo Puntland Soomaalida kale ugu duwaneyd ixtiraam iyo qadarin ay mudnaayeen Isimada oo warkooda, war kale la daba dhigi jirin, hase ahaatee xiligaan aysan jirin maamul iyo cid tixgelinaysa go’aamada Isimada ay kasoo saareen colaada magaalada Boosaaso ka taagan mudo seddax cisho, sababtayna dhimasho, dhaawac, barakac iyo burburka hanti dadweyne.

Marka aan usoo laabto dulucda qoraalkeyga, Colaada Boosaaso maalmahaan ka taagan ee u dhaxeysa isla ciidamada Puntland ee u kala baxsan dhinacyada madaxtooyada iyo kuwa argagixiso la dirirka PSF (Puntland Security Force) oo horay loo oran jiray PIS Waxaa la aas-aasay sanadkii 2001-kii kadib weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday New York iyo weerarkii kale ee eAl-qaacida ku qaaden ciidmadii Mariiniiska Mareykanka ee USS Marine Corps.

Sanadkii 2002-kii madaxweynihii hore ee Puntland AUN C/llaahi Yusuf Ahmed oo noqday markii danbe madaxweynihii DGKM Somalia ayaa intii uu ahaa madaxweynaha Puntland saxiixay in Mareykanka uu saldhig yar ka sameysto Puntland si loola dagaalamo argagixisada, hashiiskaas kadibna waxaa agaasimaha PIS noqday Maxamed Aadan Bidaar oo markii danbe xilkaasi uu kala wareegay Cusmaan Diyaano AUN sanadkii 2004-kii, xiligaasi oo hay’addaani soo shaac baxday markii uu xilka la wareegay Cusmaan Diyaano oo ciidamo tayo leh deegaanada Puntland ka qorotay.

Xiligaasi wixii ka danbeeyay Puntland waxay wajahaday la dagaalanka argagixisada iyo in kor loo qaado arrimaha sirdoonka iyo ugaarsiga kooxaha argagaixisada oo Puntland aakhirkii ay noqotay meel ay ka baqdaan kooxaha nabad diidka ah.

Markii uu xilka qabtay C/raxmaan Faroole 2009-kii inuu la dagaalamo nidaamkii haykalka hay’adda PIS ee waqtigaasi la oran jiray, laguna tirin jiray hay’adda kaliya ee awood ciidan iyo nidaam leh maadaama uu Mareykanka taageerayay, wuxuuna Faroole soo jeediyay in xilka laga qaado Cusmaan Diyaano sanadkii 2010-kii taas badalkeedana u magacaabay sarkaal kale oo jufada Cusmaan Diyaano ahaa, waxaase si cad ugu horyimid saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Mareykanka ee u xil saarnaa arrimaha Somalia iyo argagixiso la dirirka maadaama Mareykanka ay sheegeen in ay aaminaad ku qabeen aqoonta iyo kartida Cusmaan Diyaano AUN.

Geeridii Cusmaan Diyaano AUN kadib waxay hay-adda PIS noqotay mid ay soo farageliyaan maamulkii C/raxmaan Faroole, waxaana la isku dayay in loo kala qaado labo hay’adood oo kala ahaa ciidamo ka hortaga amaanka iyo ciidan gaar ah oo argixisasada iyo sirdoonka Puntland ah, waxaase aakhirkii xilka la wareegay Jen. Asad Cusmaan Diyaano oo ah wiilka uu dhalay agaasimihii hore ee hay’addaan ilaa 2018 dhamaadkeedii xiligaasi oo uu ka qeyb galay tartankii doorashada madaxweyne ee Puntland oo Saciid Deni uu labo cod kaliya uu ugu qaaday.

Xiligaasi kadib waxaa xilka la wareegay Maxamuud Cusmaan Diyaano oo kusoo koray magaalada Boosaaso laakiin haysta sharciga Swedan, wuxuuna intii uu xilka hayay ay Mareykanka ku qanacsanaayeen hab maamulkiisa iyo nidaamka maareynta shaqo ee uu Puntland ugu hor taagnaa argagixisada.

Cid kasta oo Puntland kasoo jeeda shaki kama saarna in hay’adda PSF ama PIS ay aheyd hay’adda amni ee dadka Puntland ku seexan jireen amaan ay horseeday, maantase waxaa waji xun u yeelaya maamulka hadda talada Puntland haaya, taasina shacabka Puntland u maleyn maayo inay aqbali doonaan.

Sababta xil ka qaadista Agaasimha PSF iyo Dagaalka Qarxay!

Tallo xumida dagaalkaan uu ku dhacay ayaa loo sababeynayaa labo arrimood, tan koowaad oo ah madaxweynaha Puntland oo la-talinaya kooxda saamileeyda Aaran Jaan oo uu madax u yahay wasiirka maaliyada lana yiraahdo inuu isku haayo xilalka wasaaradaha maaliyada, arrimaha gudaha iyo amniga, oo lagu magacaabo Xasan Shire Cabdi (Abgaal) oo ay qoys yihiin madaxweynihii hore ee PL C/raxmaan Faroole, iyadoo la sheego laguna xanto inay heshiis ku yihiin hagbada dhaqaale ee Puntland iyo xero isku dhiibka Maxamuud Saleebaan, xiligaana loo carbinaayo xilka marka uu baneeyo Saciid Deni shaqsi aad ugu dhow gaar ahaan jufada Ciise Maxamuud. Maadaama uu isagu yahay mas’uul u hanqal taagaya xilka madaxweynenimo ee Somalia.

Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah in markii uu digraatada uu soo saaray Deni xilkana ugu qaaday agaasimaha PSF ee uu u magacaabay Amiin Xaaji Kheyr ujeedada ugu weyn waxay aheyd in walaalkii Xasan Deni uu u magacaabo Agaasimaha hay’dda si dhaqaalaha ay Mareykanka bixiyaan ugu xarooda kooxda Aaran Jaan iyo qosyka Deni oo ka xun loolankii doorashadii uu la galay Asad Cusmaan Diyaano ee uu kaga guuleystay labada cod.

Deni oo asad u arkayay nin shacabka kalsooni fara badan ka haystay wuxuu qorsheeyay Deni in awoodiisii dhaqaale iyo ciidan wiiqo si asad loaga taqluusa in la xididada loo siibo hay’addii uu asad kasoo muuqday ee PSF.

Ugu danbeyntii, Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha PL xiligaan uma baahna dagaal iyo bakaracin, taas badalkeedna waa in la qaato baaqyada nabadeed ee isimada iyo waxgaradka labada dhinac ugu baaqeen xabad joojin shuruud la’aan ah si dalka iyo dadka loo badbaadiyo. Nabad ayaa Naas La Nuugo Leh.

W/Q: Ali Muhiyaddiin
Email: muxiyaddiin@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Dalkaan.com. Dalkaan.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.


Source: dalkaan.com