Hadalkii lama filaanka ahaa ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasoo ku saabsanaa baahida Turkiga ee dastuur cusub, ayaa wuxuu dhaliyay dood iyo muran xoogan oo ka socdo gudaha Turkiga, xili shacabka Turkiga ay ku kala qaybsameen taageerida qorshaha Erdogan ayadoona qaarkood taageersanyihiin halka qaar kalana kasoo horjeedaan.

Haddaba muxuu yahay dastuurka hadda jira? muxuuse Erdogan u doonayaa inuu u beddelo? Sidoo kalana maxay tahay ujeedka uu ka leeyahay Dastuurka cusub ee uu Turkiga u sameynaayo?

Advertisement

Dastuurka Turkiga ee haatan jira kaasoo la sameeyay sanadkii 1982dii tan iyo markaas waxaa wax laga badalay 19 jeer, 10 jeer kamid ah waxaa wax ka badalay xisbiga xaakimka ee haatan talada haya ee xisbiga cadaalada iyo hormarka, halka 9ka jeer ee soo hartayna ay horay wax uga badaleen xisbiyadii kale ee dalka.

Wax kabadalistii ugu dambeysay ee Dastuurka haatan lagu maamulo Turkey ayaana aheyd qorshihii lagu badalay awooda madaxweymaha Turkiga kaasoo lasiiyay awooda baarlamaanka iyo go’aan qaadashada dalkaas.

Xisbiga Erdogan ayaana aaminsan in inta uu jiro Dastuurkaan Turkiga xili walba laga filan karo Afgambi maadaama dastuurka markii horeba ay sameeyeen raga doonayo iney afgambiyaan dowlada haatan jirta, sidaas owgeed si wax looga qabto xaalada afgambi ay qasab tahay in Dastuurka gabi ahaantiisaba la badalo.

Wargeysyada Turkiga ayaa qoraya in Erdogan qorshaha lagu badalaayo Dastuurka uu horayba kasii guda galay, asigoona doonayo kahor doorashada cusub ee Turkey lasoo gabagabeeyo si aysan arinkaan caqabad xoogan ugu noqon xisbiyada kale ee mucaaradka.

Khubarada falanqeeya siyaasada Turkiga ayaana aaminsan sababta ugu weyn ee Dastuurka haatan lop badalayo ay tahay maadaama xeerarka iyo qodobada badankooda yihiin kuwa Milatari oo awood xoogan siinayo ciidanka qalabka sida, sidaas owgeed awooda Milatari oo ah mida inta badan lagu fuliyo afgambiyada ayaa la doonayaa in meesha laga saaro, si xukuumada iyo Maamulada u noqdaan kuwa awooda ugu badan gacantooda soo gasho, waana habka ugu fudud ee afgambi Milatari looga badbaadi karo.

Warbaahinta Al-Jazeera ayaana daabacday in inta ugu badan shacabka Turkiga ay aad u taageersanyihiin qorshaha Erdogan uu kusoo dhisaayo Dastuur Cusub oo lagu badalo midka haatan jira, balse xisbiyada Mucaaradka ayaa walaac xoogan ka qaba in hadii uu hirgalo qorshaha Dastuur cusub lagu dhisaayo ay awooda dalka oo dhan gacanta u gasho Madaxweynaha meeshana k baxdo awoodii Baarlamaanka ee aqlabiyada wax ku ansixiya.

Si loo badalo Dastuurka haatan jira misna loo hirgaliyo mid cusub wuxuu ku hirgali karaa in ay cod u qaadaan Baarlamaanka dalkaasi kadibna ansixiso 3/2 sadax meelood labo meel, waxaana xusid mudan in Baarlamaanka Turkey uu ka koobanyahay 600 oo mudane.

Ansixinta Baarlamaanka kadib waxaa natiijada kasoo baxda la hordhigi doonaa Madaxweynaha Turkiga si uu ansixiyo ama uu Baarlamaanka dib ugu soo celiyo, sidaas owgeed Erdogan si uu qorshihiisa badalida Dastuurka u hirgalo waa muhiim inuu heysto codka golaha shacabka Turkey sadax meelood meel.

Waxaa xusid mudan in isbahaysiga “Dadka”, kaasoo ay ka mid yihiin xisbiyada kala ah Xisbiga xaakimka ee Cadaaladda iyo Horumarka iyo xisbiga Dhaqdhaqaaqa Wadaniyadeed, ay baarlamaanka ku leeyihiin 337 xubnood, waana wax ka yar saddex-meelood laba, maadaama laga doonayo 400 oo cod si Dastuurka wax looga badalo.

Sidaas owgeed waa qasab in ay helaan codadla qaar kamid ah xubnaha xisbiyada kale ee Baarlamaanka ku matala, hadii ay midaas u suurto gashana waa guul weyn oo usoo hoyatay.

Dastuurkii ugu horeeyay Turkiga kadib ridistii Khilaafadii Cuthmaaniyiinta wuxuu ahaa sanadkii 1924tii, waxaana dastuurkaas lagu badalay mid kale sanadkii 1960kii, balse afgambigii Turkey ka dhacay 1982dii ayaa keenay in markale la badalo Dastuurka asigoona mid cusub loo diyaariyay isla sanadkaas ayaana la hirgaliyay.

Dastuurka cusub oo ay qoreen sidoo kalana awooda oo dhan gacanta loogu shubay ciidanka qalabka sida ayaana wuxuu qeexayaa in bataatanba waxba laga badali karin qodobada afarta ah ee ugu horeeyo kuwaasoo ka hadlaya xeerarka aqoonsiga, madaxbanaanida, xuquuqda iyo nadaamka dowliga ee dastuurka.

Codbixintii xiligaas la sameeyay si loo ansixiyo dastuurkaan ayaana kor u dhaaftay 91%, balse waxaa la sheegay in xiliga la ansixinaayay uu gabi ahaanba dalka xaalad qas iyo fowdo ku jiray dadka codbixinta dhiibtayna ay ahaayeen kuwa tiro ahaan aad u yar.

Hadaba Erdogan ayaa doonayo in Dastuurkaan Milatariga sameeyay sidoo kalana awoodo badan u ogolaanayo meesha laga saaro si aysan dalkaasi markale uga dhicin isku day Afgambi oo dowlada lagu ridaayo, sidoo kalana awooda oo dhan Taliska Maamulka gacanta ugu soo gasho kuwaasoo uu toos u magacaabi karo Madaxweynaha.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here