Kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu sawiray isagoo shabad isku dhejinaya maalin ka hor inta aan laga saarin kooxda kulankii ay shalay guusha gaareen ee Premier League.

Aubameyang ayaa ka maqnaa Arsenal kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Southampton iyadoo tababare Mikel Arteta uu ku sharaxay maqnaanshihiisa inuu jabiyay sharuucda kooxda u taala.

24 saacadood ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin, ninka caadiyan shabadaha ku dhejiya weeraryahanka oo lagu magacaabo Alejandro Nicolas Berna ayaa Instagram soo dhigay sawir uu shabadeynayo gacanta kabtanka Arsenal.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka sheegaya in Aubameyang fasax loo siiyay inuu safar dibeda ah galo laakiin wuxuu soo laabtay waqti ka danbeeya waqtigii uu codsaday, iyadoo sawirkaan laga qaaday Aubameyang uu dab ku sii shiday xanaaqa tababare Mikel Arteta oo haatan ka fiirsanaya inuu kabtanimada ka qaado Aubameyang.

Sidoo kale waxaa la isla dhexmarayaa mudada uu uu Aubameyang ka maqnaan doona kooxda oo ay ciqaabtiisa socon doonto, iyadoo Arteta uu diiday inuu shaaciyay waqtiga ay ku eg tahay ciqaabta Aubameyang isagoo yiri: “Waxay bilaabaneysaa maanta.”

Nasiibdarro, ma ahan markii ugu horeysay ee Arteta lagu qasbo inuu talaabo ka qaado kabtankiisa .

Aubameyang ayaa keyd la dhigay kulankii North London Derb ee bishii March ee sannadkan, iyadoo weerarka ay sheegayeen inay taasi ugu wacneyd inuu ka soo daahay tababarka kooxda.

Ciyaartaas wuxuu iska fadhiyay kursiga keydka laakiin markaan waxaa loo diiday xitaa inuu ka mid noqdo ciyaartoyda keydka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan