Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Arrinta kale ee iyana xusidda mudan waxay ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelatay doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono.

Advertisement

Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi ka soo baxaysa.

“Hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed, Axmed wuxuu ka ahaa xubin, asagoo runtii matalaadda uu meeshaas ku fadhiyo aysan ku qanacsaneyn inta badan dadka reer Jubbaland haddana wax baa lagu heshiiyay si kastaba ha u adkaadaane waa lasoo dhaweeyay, hadduu ka baxo wixii lagu heshiiyay waa arrin isaga gaar u ah. Gedo Axmed kama hadli karo, isagu gacanta kuma hayo, doorashaduna way ka dhaceysaa Gedo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan, Wasiirka Kuxigeenka Arimaha Gudaha Jubaland oo BBC Somali u warramnay bilowgii September.

Dhanka kale, maamulka hadda gacanta ku haya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jubaland ee ah inaanay doorasho ka dhici Karin Gedo sababo la xiriira in maamulkii uu u magacaabay aanay tagi karin isla markaana aan wali laga saarin gobolka ciidankii dawladda federaalku geysay.

Hardanka Xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Gedo

Waxaa jirta iyana in xildhibaannada qaar ee Gedo ka soo jeeda ee hadda ku jira baarlamaanka ay dhinacooda dadaal ugu jirraan sidii ay u heli lahaayeen taageeradooda siyaasadeed. Kuwaas laftoodu waxay qeyb ka yihiin hardanka hadda taagan.

Jubbaland waxay beesha caalamka u sheegaysaa in Dowlada Federaalka ay faraha la gashay deegaano siyaasad ahaan iyo juqraafi ahaanba Jubbaland hoostaga.

Afyare Cilmi oo arrimaha Soomaaliya ka faallooday ayaa aaminsan in hadda marxaladda la taagan yahay ay mudan tahay oo kaliya inaan waqti kale lasii habsaamin.

“Wada hadallada loo ballansan yahay ee ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Xamar u joogaan waxay ku saabsan yihiin doorashada 2020, waxayna la xidhiidhaan kuwii ka horreeyey ee ka dhacay Dhuusamarreeb. Waxaa ila quman in hore loo galo oo aan waqti kale la lumin. Haddii ay doodo kale jiraan marka wada-hadalku furmo ayaa miiska la keeni karaa.” Ayuu yidhi.

Balse weli waxaa taagan su’aalo la iska weydiinayo in xitaa haddii dowlada dhexe ay ogolaato inay Baladxaawo ka qaado ciidankeeda, qaabka mar kale la isigu waafiqi karo in maamullo cusub loo sameeyo Gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan

Arrinka ku saabsan Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale qeyb ka ah hardanka Gedo ka jira.

Cabdirashiid waxuu magaalada Baladxaawo dagaal kula galay ciidanka dowlada, waxuuna horay u ahaa masuulka Jubbaland u qaabilsan siyaasad ahaan Gobolka Gedo oo dhan.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkii xalay illaa saaka dhacayna ay qeyb ka ahaayeen ciidamo isaga taabacsan.

Dagaalkaas ka hor, Janan waxaa mar xabsiga dhigay ciidanka dowladda federaalka, hase yeeshee markii dambe wuxuu ka baxsaday gacanta dowladda.

Muran xoog leh ayaa labada dhinac ku dhex maray xiisadda ka dhalatay Cabdirashiid, oo xukuumadda federaalka ay ku eedeysay inuu geystay tacaddiyo, inkastoo isaga iyo maamulkiisa Jubbaland ay beeniyeen eedeymahaas.

Xigasho: BBC Somali

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here